Turkiga oo ballan-qaaday kordhinta mashaariicdiisa Soomaaliya

Number of View: 147

Madaxweynaha dalka Turkiga Abdullah Gül ayaa shaaca ka qaaday in dowladda iyo hay’adaha Turkiga ay sii ballaarin doonaan barnaamijyada horumarinta iyo gargaarka bini’aadannimo ee ay ka wadaan Soomaaliya.

Abdullah Gül ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen asaga iyo madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku kulmay magaalada Ankara ee Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga ayaa saxaafadda u sheegay in kulankii uu la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhammaaday guul iyo is-afgarad.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta iskaashiga ammaanka ee labada dal iyo sidii dowladda Turkiga ay kor ugu qaadi lahayd mashaariicda horumarineed ee ay ka waddo gudaha Soomaaliya.

Waxaa la filayaa inuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maalinta berri ah la kulmo raysul wasaaraha Turkiga Recep Tayip Erdogan iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Turkiga.

Turkiga wuxuu ka mid yahay dalal dhowr ah oo Soomaaliya u soo gurmaday xilligii abaartii sannadkii hore, iyadoo raysul wasaare Recep Dayib Erdogan iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ay dabayaaqadii sannadkii hore booqdeen magaalada Muqdisho.

Wafdiga Erdogan waxaa ka mid ah xaaskiisa iyo saddex carruur ah oo uu dhalay, raysul wasaare ku xigeenkiisa, wasiirro, xubno ka tirsan baarlamaanka, dhaqaatiir iyo fannaaniin. Hay’ado laga leeyahay Turkiga ayaa mashaariic horumarineed ka sameeyay magaalada Muqdisho.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xiriira casuumaad uu ka helay dhiggiisa Turkiga Abdullah Gül, waxaana safarkiisa ku wehliya raysul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibedda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo, wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Saleebaan.

Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweyne Xasan booqasho ku tago dalka Turkiga, tan iyo markii uu noqday madaxweynaha dowladda Soomaaliya horraantii September ee sannadkan.


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...