Tomas Rosicky ” waxaan Hadda Diyaar u ahay inaan wax kabaddalo qaab-ciyaareedkayga”

Number of View: 142

Tomas Rosicky oo ka caawiyay kooxda Arsenal xilli ciyaareedkii hore ka caawiyay inay ku dhamaystaan kaalinta seddaxaad kala horreynta tartanka Premier League ayaa hadda diyaar u ah in uu ku soo laabto booskii hore .

Rosicky oo markiisii ugu horreysay muddo lix bilood ah dib ugu soo laabtay kooxda laguna soo billaabay kulankii  Olympiacos ee talaadadii nadhaafatay oo la ciyaarayay Champion League ayaa soo bandhigay ciyaar la jeclaysto wuxuuna dhaliyay goolka kaliya ee ay kooxdiisu dhalisay.
Ciyaaryahanka khadka dhexe  Czech ayay ku adkaaatay inuu ku soo laabto kooxda hore, waxaana taasi sabab u noqotay bilo adag oo uu soo maray ciyaaryahanku oo ay la darseen dhaawacyo hareeyay, balse siduu sheegay wuxuu hadda diyaar u yahay inuu kamid noqdo kooxda koowaad ee Arsenal.

“Aadbaan ugu faraxsanahay inaan dib u soolaabto sababtoo ah waxaan maqnaa wakhti dheer oo ay dhaawacyo i hareeyeen ” ayuu yiri ciyaaryahan Rosicky.

“Tababaraha ayaa ii sheegay inaan ciyaarayo qaybta hore ee ciyaarta si aysan ii gaarin dhaawacyo kale, waxaana doortay inaan ku billowdo, waxaana soo bandhigay ciyaar i qancisay, waxaana rajaynayaa in qaybaha kalana aan soo laabto” ayu hadalkiisa ku daray ciyaaryahanku.
“Way adagtahay inaad hore kala qabsato koox soo ciyaaaraysay muddo, mararka qaarna waxaa jiray kulamo adag oo ayba adagtahay inaad ku soo billaabato, balse waxaan diyaar u ahay inaan sameeyo wixii aan horey u sameeyay xilli ciyaareedkii aan soo dhaafnay.

“Haddii adan ku billaaban waxaad dareemaysaa xumaato wxaadna ka walwalaysaa waxa aad ugu billaaban wayday, markaas ayaad naftaada u sheegaysaa in aad u dagaallanto sidii aad ku heli lahayd boos joogto ah, haddase waxaan dadaal iyo dagaal ugu jiraa sidii aan ku xagsan lahaa booskaygii hore.

“Waxaan samaynayaa wax walbo oo aan kooxda ku caawin karo dhib walbo oo ay igu qaadato.”

Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...