Siddeed Qof oo Caawa ku Dhaawacantay Qarax ka dhacay Xaafadda Islii [Eastleigh] Ee Magaalada Nairobi
Number of View: 341
Siddeed qof ayaa ku dhaawacantay caawa oo Arboco ah qarax ka dhacay xaafadda islii ee magaalada Nairobi gaar ahaanna aga-gaarka guriga ay ku jiraan qalabka dhismaha waddooyinka ee xaafadda California.
qof goob jooge ahaa ayaa u sheegay wargayska Nation in qaruxu uu dhacay abbaaro 700:pm fiidnimo ee caawa, wuxuuna intaa ku daray in goobta uu qaruxu ka dhacay ay jirto 50 centimetres bakhaarka lagu xareeyo qalabka waddooyinka lagu dhisayo .
Dhaawacyada ayaa lageeyay isbitaalka Mother and Child ee xaafadda islii [Eastleigh].
Waaxda police-ka ee xaafadda ayaa sheegay in la rumaysanyahay in qaruxu uu ahaa Bambaanada gacanta laga tuuro in kastoo aysan jiri cid loo qabtay falkan ka dhacay caawa xaafadda Islii [Eastleigh].
Balse waaxda police-ka ayaa sheegay in wali aysan caddayn waxa dhabta ah ee uu qaruxu yahay iyo waxa sababay, balse dadka qaar ka agdhawaa goobta ayaa sheegay in waxa qarxay uu ahaa Gas-ka wax lagu karsado.
Madaxa Police-ka ee Nairobi Moses Ombati ayaa sheegay in dhaawacyada mid kamid ah ay xaaladdiisu qatar tahay, wuxuuna intaa raaciyay in todobada kale ay xaaladduudo roontahay.
Mr Ombati yaa intaa ku daray in wali police-ku aanay u caddayn waxa ka dambeeya qaraxa .
Dadkii caawa socday waddada ka soo horjeeddo bakhaarkii uu qaruxu ka ag- dhacay ayaa hakad galay, waxaana intooda badan ay ku laabteen xaafadohooda.
Xaafadda Islii ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay qaraxyo kuwaa oo sababay dhimasho iyo dhaawcyo soo gaaray dad aan waxba galabsan .
Bishii la soo dhaafay ayay ahayd markii dad saaran bas lala eegtay qarax kaasoo ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya todoba ruux iyo dhaawaca intaas ka badan.
Maria Abshir Faarax
Sooyaal News Network
Nairobi – Kenya










