Ra’isul Wasaare Raila Odinga iyo xisbigiisa oo xaalada ay ku adkaatay kadib markii ay ka baxday…
Number of View: 270
Raysul-wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga ayaa umuuqda inuu galayo xaalad cusub oo dhanka siyaasadda ah kadib markii uu waayay garab siyasad ahaan taageersanaa.
Haweenayda hoggaamisa xisbiga Narc Charity Ngilu ayaa sheegtay in ay ka baxday xisbiga uu madaxda uyahay Raila Odinga ee Jubilee Alliance, maalmo uunkadib markii si layaab leh ay ula midowday xisbigaas oo ay ku jiraan Ra’isul Wasaaraha Kenta oo ka socda Xisbiga ODM. Madaxweyne kuxigeenka Kenya Kalonzo Musyoka iyo wasiirka ganacsiga Kenya Moses Wetangula.
Gabadhan oo taageero xoogan haysata ayaa sheegtay in ay ahayd go’aan adag ku biiritaankeedii xisbiga Raila Odinga, hase ahaatee haatan ay ka laabatay kadib markii ay latashiyo badan la samaysay shacabka deegaanka laga soo dooryto
Waxaa Ngilu laga soo doorta Kitui Central waxaana ay haatan wararka sheegayaan in ay ku dhowdahay in ay ku biirto xisbiga uu hogaaminayo Uhuru Kenyata.
Tartanka xooggan ee loogu jiro doorashada Kenya ayaa sii adkaanaya iyadoo ay haatan umuuqato in Xisbiga ay ku mideysan yihiin Uhuru Kenyatta, Wiliam Ruto iyo Musalia Mudavadi uu sii xoogaysanayo halka xisbiga ay ku midoobeen Raila Odinga, Kolonzo Musyoka iyo Watangula ay isku dayayan in doorashadan ay ku guulaystaan.










