Rabshado Ka Billowday Xaagfadda Islii oo uu Goor-dhow ka dhacay Qarax Xooggan.
Number of View: 251
Rabshado Xooggan ayaa haatan ka billoowday aga-gaarka Masjidka Al-Hidaaya oo goor dhow caawo bam-gacmeed lagu tuuray,tasoo dhalisay in dhallinyaro Soomaali ah oo careysan ay weeraraan qaar kamid ah gaadiidka iyo ganacsiga xaafadda Isli.
Xaaladda guud ayaa caawo kacsan ,waxaan lagu soo warramaya in ciidamada ammaanka ay haatan soo gaareen goobta uu qaraax ka dhacay.
Goob jooge ku sugana Masjidka Al-Hidaaya ayaa sheegay in ku dhawaad 20 ruux ay ku dhaawacmeen qaraxaasi caawo lagu tuuray Masjidaka Al-Hiodaaya ee ku yaalla xaafadda Islii.
Lama xaqiijin ilaa iyo hadda cid wax ku noqotay rabshadahaas, waxaana wali socdo dhagax-tuur iyo waliba dad caraysan oo dhagaxyayna gawaarida ay wataan dadka kenyan-ka ah ee goobta ka agdhow
Wixii warar ku soo kordhaa kala Sooyaal News Network










