Qorshe Lagu Samaynayo Maamul Afar Gobol oo ay Gedo ku Jirto oo Socda
Number of View: 186
Warar aynu ka helnay meelo kala duwan oo gudaha dalka iyo dibadda ah ayaa sheegaya inuu soconayo qorshe maamul loogu samaynayo afar kamid ah gobollada Koofur galbeed Soomaaliya.
Qorshahan oo muddooyinkii lasoo dhaafay ka soconayay magaalada Muqdisho, Baydhabo, Nairobi iyo meelo kale oo caalamka ah ayaa waxaa hor boodaya Shariif Xasan Sh Aadan oo ah guddoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya.
Shalay ayaa lagu waday in Shariif Xasan uu kasoo dago magaalada Muqdisho, hase ahataee safarkiisa ayaa dib udhacay ilaa iyo maalinta isniinta ah ee soo aaddan.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wafdi uu kamid yahay Shariif Xasan ay kulamo ballaaran ku yeelan doonaan Muqdisho kahor inta aysan aadin magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Qorshahan oo la rumaysan yahay in dowladda Soomaaliya ay wax badan ka ogtahay ayaa yimid kadib markii la isla garan waayay in la mideeyo lix kamid ah gobollada Soomaaliya oo kala ah Labada Jubba, Gedo, Bay iyo Bakool iyo Sh/Hoose.
Shariif Xasan Sh Aadan ayaa doonaya inuu noqdo Madaxweynaha maamulkan loo dhisayo gobollada Gedo, Bay iyo Bakool iyo Sh/Hoose.
Shirweynaha lagu dooranayo maamulkaas ayaana qorshaha uu yahay in lagu qabto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.










