Qarax Xooggan oo ruxay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe
Number of View: 319
Qarax xooggan ayaa ciidamada dowladda Soomaliya goordhow lagula eegtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe halkas oo ay saakay kala wareegen Shabaab.
Qaraxan oo si weyn magaalada looga maqlay ayaa lasoo sheegayaa inuu ahaa bambo lagu weeraray xaafada Horseed gaar ahaan Buundada Number Uno.
Qof kusugan magaalada ayaa sheegay in ay maqlayeen jug aad uculus, iyo qiica gaadiid ay la socdeen ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada oo meesha qabsaday.
Waxaa jira warar sheegaya in qaraxaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom, inkastoo aan la ogayn inta uu la egyahay.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya waqti yar kdib markii ciidamada huwanta ay Shabaab kala wareegeen magaalada Jowhar oo ah xarunta Sh/Dhexe











Run ahaantii waan soo dhawaynaynaa maamulka gobolka sh.dhexe anigoo ku hadlyo magaca dhalin yarada ku dhaqan dagmada jowhar gaar ahaan xfd horseed waana ku faraxsanahay maadaama ay naga qaadeen ciidamada x.d.s. Culeeska ay nagu haayeen alshabaab