Qarax Qasaaro Geystay oo lala eegtay Ciidamo ka Tirsan Puntiland
Number of View: 267
Wararka laga helayo magaalda Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa waxay sheegayaan in ciidamo katirsan Meleteriga Puntiland lala eegtay gaari ay wateen qarax.
Weerarkaan oo loo adeegsaday miinada meelaha fog fog laga hago ayaa la sheegay in ay geysatay qasaaro soo gaaray ciidamadii lala eegtay walow aan si cad loo shaacin inta uu dhanyahay qasaaraha soo gaaray ciidamada Puntland
Wararka Boosaaso laga helayo ayaa waxa ay sheegayana in dhaawacyo badan oo qaarkood ay halis yihiin lageeyay Isbitaalka Magaalada kadib weerarka gaadmada ah ee ciidamada Puntiland lala eegtay.
Ilaa iyo hadda majirto cid si cad u sheegatay qaraxa lala eegtay ciidamada Puntlind walow ay jiraan hadal haynno ku aaddan in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab balse aan wali si cad loo hubin .










