Maxkamadda Beledweyne oo beenisay in masaajid loo beddelay kaniisad “Sawirro”
Number of View: 212
Maxkamadda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa beenisay hadal ka soo yeeray kooxda al-Shabaab oo ahaa in masaajid ku yaalla magaalada Beledweyne loo beddelay kaniisad.
Guddoomiyaha maxkamadda Sheekh Cabdiraxmaan Macallin Cali ayaa hadalka ka soo yeeray al-Shabaab ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn.
Sheekh Xasan Cilmi Ciyow oo ka mid ah culumada gobolka Hiiraan ayaa isna beeniyay hadalkaas, wuxuuna sheegay inuu qeyb ka yahay maran-habaabinta iyo dhibaatada kooxda al-Shabaab ay ku hayso ummadda Soomaaliyeed.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay inay dadka sidii caadiga ahayd ugu cibaadaystaan masaajidka oo lagu magacaabo al-Furqaan.
Al-shabaab ayaa maalmo ka hor sheegtay in ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan magaalada Beledweyne ay masaajidka al-Furqaan u beddeleen kaniisad.












Source Radio Bar-kulan










