Madaxweynayaasha Soomaaliya & Turkiga oo lagu wado inay goor dhow kulmaan
Number of View: 107
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu goor dhow magaalada Ankara kula kulmo dhiggiisa dalka Turkiga Abdullah Gül.
Labada madaxweyne ayaa lagu wadaa inay ka wada hadlaan xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii dowladda Turkiga ay Soomaaliya uga caawin lahayd horumarinta ammaanka, milateriga iyo dhaqaalaha.
Waxaa la filayaa inuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maalinta berri ah la kulmo raysul wasaaraha Turkiga Recep Tayip Erdogan iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Turkiga.
Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xiriira casuumaad uu ka helay dhiggiisa Turkiga Abdullah Gül, waxaana safarkiisa ku wehliya raysul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibedda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo, wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Saleebaan.
Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweyne Xasan booqasho ku tago dalka Turkiga, tan iyo markii uu noqday madaxweynaha dowladda Soomaaliya horraantii September ee sannadkan.










