Madaxweyaha Soomaaliya oo ka hadlay waxa ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Number of View: 174
Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaasagoo ka hadlayay arimaha Jubooyinka wuxuu shaaca ka qaaday in Jubooyinka ay ka mid tahay gobolada dalka Soomaaliya,islamarkaana kenya ay qeyb weyn ka qaadatay sidii dalka Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa xasilooni iyo kala danbeyn.
Madaxweynaha ayaa sheegay in kenya ay muujisay karti ah sidii ay nabad ugu soo dabaali lahayd gobolada dalka Soomaaliya,wuxuuna sidoo kale tilmaamay in Kenya iyo Soomaaliya aysan jirin meel ay ku kala duwan yihiin oo micnuhu uu yahay labo wadan oo walaalo ah.
Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa hoosta lka xariiqay in in mudooyinkii danbe uu maqlayay hadalo la isla dhexmarayay oo sheegaya in Kenya ay faraha kula jirto maamul u sameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo,isagoona meesha ka saaray warka sheegaya in Kenya dano gaar ah ay ka leedahay dalka Soomaaliya,gaar ahaan gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuuu sheegay in Dhalinyarada laga qaaday isbaarooyinka aysan macnaheedu aheyn inay iska kala tagaan, isaga oo tilmaamay inay usocdaan qorshayaal.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dhalinyarada la kala qeybinayo qof waliba iyo xirfada uu yaqaan, isaga oo tilmaamay in intii ku biiri karta ciidamada ammaanka dowladda lagu darayo qaarna loo sameynayo dhaqancelin.
Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya iyadoo dowladda Kenya ay door muuqato ku leedahay siyaasadaha iminka ka taagaan gobalada Jubbooyinka.










