Maamulka Guriceel oo xiray nin dil lagu eedeeyay
Number of View: 326
Ciidamo ka tirsan maamulka Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dil xalay deegaanka Shiilo-madow oo 20 km galbeed kaga beegan Guriceel loogu geystay nin reer miyi ahaa.
Guddoomiye ku-xigeenka maamulka Guriceel Cali Baashi Aadan Diiriye ayaa sheegay in howlgal ciidankooda ay ka sameeyeen deegaanka Shiilo-madow ay ku soo qabteen gacan ku dhiiglihii geystay falka dilka ah.
Cali wuxuu sheegay inay maxkamad soo taagi doonaan eedeysanaha, kaasoo haddii ay ku caddaato eedda loo haysto lagu fulin doono ciqaabta uu mudan yahay..
Wararka ayaa sheegaya in ninka loo dilay arrimo la xiriira aano qabiil.










