Lix ruux oo Shabaab ah oo lagu qabtay soohdinta kenya iyo Soomaaliya
Number of View: 199
Booliska Kenya ayaa gacanta ku dhigay ilaa Lix Ruux kuwaasi oo si dhuumaalleysi ah ku doonayay inay gudaha u galaan Kenya waxaanqa dadkaasi lagu qabtay soohdinta Kenya iyo Soomaaliya kala qeybisa
Lix ruux oo labo kamid ah ay Dumar yihiin ayaa maanta ciidanka Kenya ay ka qabteen xadka kala qeybiya labada dal kuwaasi oo ku socdaalayay gaari TOYOTA LANDGARUSER ah kaasi oo si dhuumaaleysi ah ay ku doonayeen inay ku galaan kenya balse waxaa fashiliyay ciiidanka Kenya gaar ahaan kuwa Booliska . .
waxaa ragaan markii la qabtay laga helay Hub ay si qaris ah ay ku wateen kaa oo ay ku doonayeen inay gudaha Kenya ay u gudbiyaan balse qorshahaasi waa uu fashilmay.
Sargaal u halday Booliska Kenya wxaa uu sheegay in Seddax kamid ah Raga la qabtay ay baxsadeen kadib markii ay ka boodeen gaariga.










