Fannaan Axmed Heybe oo Muqdisho ku geeriyooday
Number of View: 116
Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Axmed Heybe Carraale oo ka mid ahaa fannaanniintii hobolladii qaranka ee Waaberi.
Marxuumka oo ku geeriyooday isbitaalka Madiina ayaa la sheegay in xanuun ku soo booday halkaa loo geeyay, iyadoo aan la ogayn waxa uu rasmi ahaan ugu geeriyooday.
Maareeyaha tiyaatarka qaranka abwaan Cabdi Dhuux ayaa ehellada iyo qaraabada uu ka baxay Axmed Heybe Carraale uga tacsiyeeyay geeridiisa, wuxuuna abwaanka sheegay in berrito aas loo sameyn doono.










