DHAGAYSO: Xaaladihii ugu Dambeeyay Ee Xaafadda Islii, Dad dhaawacyo qaba oo ka hadlay xaaladdooda Iyo Sida uu yahay Yuusuf Xasan

Number of View: 549

Xaaladda xaafadda Islii ayaa saaka daggan ka gadaale qarax xooggan oo waxyeello geystay oo xala ka dhacay.

Qaraxa oo ay ku dhinteen ku dhawaad saddex ruux iyo dhaawaca dad gaaraya 15 kale, kuwaa oo kusugnaa halkii uu qaraxu ka dhacay.

Dadkii uu dhaawacu soo gaaray waxaa ka mid ahaa xildhibaanka laga soodoorto degmada Kamakunji ee magaalada Nairobi Yuusuf Xasan Xasan Cabdi ” Indha-gamuun” oo uu dhaawac ka soo gaaray labada lugood oo la xaqiijiyay inay jabanyihiin iyo gacanta bidix oo uu asna ka soo gaaray dhaawac aan sidaa u sii culusayn.

Waxaa jira dhaawacyo kale oo lageeyay isbitaalka Madina Mall kuwaa oo xaaladdoodu ay wanaagsantahay, inkastoo la sheegay inay jiraan dhaawacyo culus oo la geeyay isbitaalka qaranka ee Kenyata Hospital.

Haddaba halkaan ka dhagayso qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii xala iyo sida ay saaka xaaladdoodu tahay

HALKAAN KA DHAGAYSO HADDALLADA DHAWACYADA

Haddaba si aan faah faahin dheer uga ogaanno sida uu qaruxu u dhacay iyo dadkii ku dhaawacmay sida ay wax u gaareen waxaa kawarramaya Mustaf Salaad Maxamed oo qaaday xildhibaan Yuusuf Xasan iyo ilmo yar oo uu sheegay inuu ku dhintay dhabtiisa intii ay isbitaalka u wadeen.

Cabdi-risaaq Xaaji Catoosh oo katirsan BBC-da ayaa wayddiiyay sida ay wax u dheceen iyo xilligaas halkii uu kusugnaa.

HALKAAN KA DHAGAYSO HADALKA MUSTAF SALAAD MAXAMED OO QAADAY DHAAWACA XILDHIBAANKA

Waaxda Police ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in qaraxan uu ka duwanyahay kuwii hore ee ka dhici jiray xaafadda islii waxayna sheegeen inay billaabayaan baaritaanno la xiriira waxa uu ka dambeeyo qaraxn.


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...