DEG DEG: Taliyaha Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka Dowlada Soomaaliya Oo La Dhaawacay
Number of View: 176
Cali Cabdi Bare (Cali Gaab) taliyaha ciidamada nabadgalyada waddooyinka dowladda Soomaaliya ayaa dhaawac dhinaca lugta ah uu soo gaaray goor dhow.
Dhaawaca taliyaha ayaa waxaa la dhigay isbitalka Daarushifa ee magaalada Muqdisho, halkaas oo haatan dhaawaciisa lagula tacaalayo sida ay sheegeen maamulka isbitalka.
Maamulka Isbitalka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay dhaawaca taliyaha in uu yahay mid fudud isla markaana uu ka dhaawacanyahay oo kaliya lugta Midig, waxaana haatan la sheegayaa in caafimaadkiisa uu wanaagsanyahay.
Macadda sida uu dhaawaca ku soo gaaray taliyaha ciidamada Nabadgalyada waddooyinka Cali Gaab, inkastoo wararku ay sheegayaan in askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu dhaawacay taliyaha.
Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhaawaca soo gaaray taliyahaan ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.










