DEG DEG Qarax ka Dhacay Afaafka Hore ee Masaajidka Al-Hiddaaya ee Xaafadda Islii
Number of View: 296
Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ku soo warramayo in haatan uu qarax ka dhacay xaafadda Islii gaar ahaanna aga-gaarka Masaajidka Al-hiddaaya ee xaafadda Jaamka.
Wariye kusugan goobta uu qaruxu ka dhacay ayaa sheegaya in dad badan ay ku waxyeelloobeen islamarkaana la arkayo dhaawacyo farabadan oo lala cararo, wariyuhu wuxuu intaa ku daray inay dhimasho jirto balse aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah.
Ruux kale oo ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in qaruxu uu ka dhacay masaajidka Al-hiddaaya hortiisa, xilli ay dadku ka soo bexeen salaaddii cishaha, waxaana jira dadbadan oo dhaawacyo ah inkastoo aan la xaqiijin karin dhimasho.
Warar ayaa sheegaya in xildhibaanka degmada Kama kunji uu ku tukaday masaajidka Al-hiddaaya ee caawa qaruxu uu ka dhacay, lamana oga waxa gaaray xildhibaanka ilaa iyo hadda.
Macadda cidda sida rasmiga ah uga dambaysa qaraxa ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, waxaana horey uga dhacay qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Wixii ku soo kordhaa kala soco wararka dambe ee Sooyaal News.
Maria Abshir Faarax
Sooyaal News Network
Nairobi – Kenya










