Daawo Sawirro Naxdin Leh : Dhibaatada Dadka African-ka Ah Loogu Geysto Dalka Greece-ga (Warbixin Murugo Leh)

Number of View: 1022

Waa waddan intiisa badan dadka madowga ah aan laga jeclayn, waana waddan ka mid ah waddamada lagu tilmaamo cunsurinimada.

Ma jiro qof jecel marka la soo qaado magaca Greece qof walbana wuxuu dareemaa inuu ka gaddisanyahay waddamada kale ee caalamka, dhanka dhaqaalaha iyo waliba dhanka dhaqanka.

Balse markii loo eego dhinaca taariikhaha iyo soo jiritaanka waa waddan aad loogu tix-galiyo, waana waddan ay dadkiisu wax bartaan, waxaana ay dadku leeyihiin maskax fufud oo ay wax ku abuuri karaan laakiin la iskuma mashquuliyo wax la qabsado.

Maalin walba waxaa ka dhaca weerarro ay geystaan dad cunsuriyayaal ah, Police-ku isku day walbo oo ay sameeyaan waxbo way ka qaban waayeen, waxaana dalkaas ka dhaca ciqaab loo geysto dadka aan waddanka u dhalan gaar ahaanna kuwa madowga ah.

Hassan Mekki 32- jir u dhashay dalka Sudan, wuxuu rajo ka qabay inuu helo nolol dhaanta midda Africa ee uu ka tagay, wuxuu ku rajo waynaa inuu tago mid kamid ah dalalka Yurub oo uu ka sii gudbo dalka Greece-ka .

Bishii August ee sannadkan asaga iyo saaxiibkiis waxay socdeen bartamaha magaalada caasimadda ah ee Athens, marka dadka loo fiiriyo waxay ahaayeen dadka kaliya ee madowga ah ee waddada socda, mar kaliya ayay la kulmeen dad wata calanka Greece oo qaylinaya, waxaana lagu amray in ay qaadaan heesta calanka balse nasiib darro way garan waayeen waxaana xilligaas lagu billaabay jirdil iyo garaac fool xun sida uu sheegay Hassan Mekki oo xilligaas ay illin ka socotay.

Markii uu guriga ku soo laabtay, waxaa jirkiisa meel walba ka socday dhiig, wuxuu xilligaas ku sugnaa xaalad adag oo aan loo adkaysan karin, balse nasiib darro muusan helin dad wax ka qabta xaaladdii xilligaas uu ku jiray.

” Ma aanan arag shakhsi aan waydiisto kaalmo oo i caawiya, meel bannaan ah ayaan uga soo tagay meydkii saaxiibkay oo waddooyinka lagu jiidayo, dhaawaca jirkayga ku yaalla dartiis waxaan garan waayay si aan u seexdo iyo si aan u fariisto, noloshii ayaa igu noqotay cariiri iyo wax waligay ii dhimanaa kaliya ciirsi waxaa ii noqotay oohin iyo calool xumo” ayuu hadalkiisa ku daray Mr Mekki.

“Waxa kaliya ee aan markaas ku fakarayay waxay ahayd mar yaa kugu celiya waddaankaagii aad ka soo tagtay, balse dhibta jirta bannaankaba umaan bixi karin oo waxaa tuuran dadkii wax laynayay, xitaa waxaan awoodi waayay inaan hoos ka doonto waxaan dhiigga isaga joojiyo”.

Muddooyinkii ugu dambeeyay dalka Greece waxaa gaarayay wariyayaal u khaas ah U.N-ta  kuwaa oo soo tabinaya xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka Greece  balse waxay gudbiyaan wax aad u yar marka loo fiiriyo waxyaabaha ka dhacaya dalkaas.

Mararka qaar waxaa la weeraraa dadka wariyayaashaas oo lagu cambaaraynayo inay ka dambeeyaan beegsaga lagu hayo kooxdaas cunsuriyiinta ah, sida uu sheegay  Francois Crepeau oo kamid ah wariyayaashii booqday dalkaas. 

Greece wuxuu marin u yahay dadka u safra dalalka qaaradda Yurub gaar ahaanna dadka ka imaanaya qaaradaha Asian iyo Africa, waxayna dadkaas isku dayaan inay u sii gudbaan dalalka kala gaddisan ee Yurub, balse dadku waxay isku raacsanyihiin inaan marnaba lagu noolaan karin dalka Greece-ka .

Sannadihii ugu dambeeyay dhibaatada ugu wayn ee dalkaas ka jirta waxay ahayd dhinaca dhaqaalaha, dadka dalkaasna waxay sameeyeen bannaan baxyo ay guddoonayaan in wax laga qabto xaaladda dalka gaar ahaanna shaqo la’aanta, waxaana lagubay meelo badan oo lagubay intii ay socdeen muddaaharaadyada.

Marka loo eego 10-kii bilood ee sannadkan ugu horreysay waxaa xudduudaha dalkaas lagu qabtay dad kor u dhaafaya 70,000  kuwaa oo isugu jira dadkii horey dalka u soo joogay iyo kuwo hadda soogalayo oo doonayo inay u gudbaan waddamada kale balse dalka Greece waxaaba la dhihi karaa waxaa dadkaa ku yimid hoou dhac marka loo eego sannadkii hore oo ay tiradu ahayd  82,000 sannadkii tagay.

Soomaalidu waxay kamid-tahay dadka tahriibka kusiimara dalka Greece-ka waxayna la kulmaan dhibaatooyinka ay lakulmaan dadka kale ee madowga ah iyo u dhashay qaaradda Asia, waxaana wali jira dad kale oo haatan u hammuunqaba inay u sii gudbaan dalkaas. 

Fadlan haddii aad qaadato qoraalka sii xuquuqda webka iska leh, ceeb maha in wax lakala qaato ama lakala xigto 

Maxamed Cibaar Diiriye
Sooyaal News Network
mroobole01@gmail.com
sooyaalnews@gmail.com 
www.sooyaalnews.com 


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...