Cuduro halis ah oo hor leh oo lagu ogaadey in laga qaado caabista Sigaarka(Daraasad)

Number of View: 217

Iyadoo sanooyinkii la soo dhaafay ay culimada aqoonta caafimaadka ku xeesha dheer ay ka digayeen waxyeelada dhanka caafimaad ee uu sababo sigaarka ayaa maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo baxaysa cuduro hor leh oo ka dhasha sigaar cabista, tiiyoo ay u sii dheer tahay in dadka sigaarka dhuuqa qiiqa ay afuufaan uu sidoo kale waxyeelo u geysan karo caafimaadka dadka ku dhaw dhaw oo qaarkood xitaa bushimahoodda aan saarin mir sigaar ah.

Kooxo saynisyahanno ah oo ka tirsan Jaamacada Kings College London ayaa daaha ka rogey natiijada daraasad cusub oo ay sameeyeen, iyagoo ku xaqiiqsadey in sigaar cabista ay ka dhalato xanuuno ku dhaca maskaxda qofka bini’aadamka ah.

Goor sii horeysay ayaa daraasado kala duwan oo la xiriira sigaar cabista waxaa lagu xusey in ay keento cuduro ku dhaca sababada, iyadoo habka neef qaadashada uu u keeno dhibaato culus,kuwa ku dhaca jirka qofka,  isla markaana uu sababo cuduro kala duwan oo halis ba’an ku ah caafimaadka qofka.

Daraasadan cusub ee ay sameeyeen Saynisyhanadan waxay kaloo farta ku godeen in sigaar cabistu ay keento kor u kaca dhiiga ama waxa loo yaqaan blood pressure (Dhiig-kar), waxaana ay ugu baaqeeen in qofka inta uu ku cusub yahay sigaar dhuuqista ama uu da’a yar yahay uu joojiyo halistaasi caafimaad.

Cilmibaarayaashu waxay tijaabo ka qaadeen 8,800 oo qof, kuwaasi oo da’doodu ka weyn tahay 50 sano, iyadoo ay muujisay daraasadu in dadkaasi kuwa sigaarka caba ay ka heleen dhibaatooyin xaga maskaxda ah, dhibaato wax aqrinta ah ama waxbarashada saameysa iyo waliba xusuusta oo lunta.

Cilmibaaristu waxay kaloo xustey in dadka sigaarka caba ay sidoo kale u nugul yihiin cudurka Stroke ama qalalka iyo dhiig karka, miisaanka jirka oo kordha iyo guud ahaan mudo 8 sano ah oo qofku iska dameemo xusuus la’aan.

Dr Alex Dregan oo ka tirsan Kings College London hormuudna u ahaa kooxdan cilmibaarayaasha ah ayaa xusey in dad badan iyagoo og dhibaatada caafimaad ee sigaarku u leeyahay ay hadana sii wadaan halistaasi culus.

Mowliid Xaaji Cabdi


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...