Ciidanka dowladda iyo al-Shabaab oo ku dagaallamay deegaanka Garsaale
Number of View: 184
Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab ayaa xalay ku dagaallamay deegaanka Garsaale oo 22 km u jira magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.
Goob-joogayaal ayaa saxaafadda u xaqiijiyay dagaalka dhex maray labada dhinac, kaasoo billowday waqti dambe oo xalay ah, wuxuuna socday ilaa saaka waaberigii.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa sheegay inay arkeen meydka afar dagaalyahanno oo ka tirsanaa al-Shabaab oo la gaarsiiyay magaalada Jowhar, walow markii dambe loo gudbiyay degmada Mahaddaay.
Saraakiisha ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli wax war ah ka soo saarin dagaalka iyo jiritaanka khasaare ciidankooda ka soo gaaray dagaalka.
Saraakiisha ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxay carrabka ku adkeeyeen inay sida ugu dhakhsaha badan ku qabsan doonaan magaalada Jowhar, lamana oga in dagaalka xalay dhacay uu qeyb ka yahay qorshaha ciidanka dowladda ay rabaan inay kula wareegayaan magaalada Jowhar oo ay gacanta ku hayso kooxda al-Shabaab.










