Ciidamada Badda Puntland Iyo Kooxo Burcad Badeed Ah Oo Ku Dagaallamay Degmada Garacad

Number of View: 264

Wararka laga hallayo gobollka Mudug ayaa sheegay in 24 saac  ee la soo dhaafay xeebaha degmada Garacad ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya ciidamad badda Punntland iyo kooxo burcad badeed ah.

Inta la og-yahay hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday dagaallka, halkaa dhinaca burcad badeeda laga dillay sadax ruux, sidoo kalana waxaa uu dhaawac soo gaaray lix qof oo ka kala tirsanaa dhinacyadii ay dirirtu dhaxmartay.

Dagaalka ama iska horimaadka ayaa dhacay kadib markii ciidamada badda Puntland ee fadhigooda ahaa degmada Eyl weerar qorsheysan ku qaadeen kooxo burcad ah oo muddo saddex sano ku dhow xeebaha degmada Garacad ku haystey markab laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta.

Marar badan ayeey isku dayeen ciidamada Puntland oo kaashanaya diyaaradaha qumaatiga u kacay in ay soo furtaan Markabka lagu magacaabo MV ICEBERG-1

Burcadda markabka MV ICEBERG-1 uu gacanta ugu jiro ayaa dalbaday lacag madax furasho ah oo gaareysa 5 ilaa 8 milyan oo Dollar, inkasta oo ay shirkadda iska lihi ka madax adagtay in ay lacagta intaas le’eg bixiso.

Howlgalka ay sameeyeen ciidamada badda Puntland ayaa ku soo beegmaya xili sanadkan sii dhamaanaya ee 2012 ay si aad ah hoos ugu dheceen weeraradii ay gaadiidka maraya badaha caalamiga ah ku qaadi jireen kooxaha burcad-badeedda Soomaalidu, haseyeeshee waxaa weli gacantooda ku jira tobanaan markab iyo badmaaxiin boqolaal gaaraya.


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...