Al-Shabaab oo gudaha u galay Kismaayo Kadib Dagaal Xooggan oo dhacay Magaalada

Number of View: 165

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in magaalada xalay uu ka dhacay dagaal xooggan.

Dagaalkaas ayaa udhaxeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya Militeriga Kenya iyo Al-Shabaab oo magaalada weerar kaga soo qaaday labo jido.

Wararka aynu ka helayno magaalada ayaa sheegaya in dagaalkan uu si gaar ah kaga dhacay xaafadda Farjano oo ay ku badan yihiin Saraakiisha dowladda ee magaalada gacanta ku haysa.

Hub aad uclus ayaa laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo, iyadoona Shabaab ay gudaha usoo galeen magaalada.

“Dagaalka saakay ayuu xoogiisu dhacay, waxaana Shabaab ay soo galeen xaafadda Farajano”ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo sooyaalnews.com lahadlay.

Inkastoo aan la ogaan karin qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka, haddana dad kusugan magaalada ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyo la geeyay isbitaalka guud ee magaalada halka dhimasho ay jirto laakiin aan wali shacabka la tusin.

Saraakiisha dowladda ee magaalada kusugan oo aan taleefan kula hadalnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dagaalkan ka dhacay magaalada Kismaayo.

Marar badan ayay sidaan oo kale Shabaab ku weerareen magaalada Kismaayo oo ay kusugan yihiin ciidamo isugu jira Soomaaliy iyo Kenyan.


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...