DHAGAYSO: Wasiirka Warfaafinta Boostada Iyo Isgaarsiinta Oo Ka Hadlay Arrimo badan oo ay ku jirto Ammaanka Muqdisho Iyo……
Number of View: 230
Wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta C/llaahi Ciil-mooge Xirsi ayaa kulankii golaha wasiirrada ee shala kadib u qabtay bahda saxaafadda asagoo ka hadlay arrimihii ay kawada hadleen golaha wasiirrada.
wasiirku wuxuu aad ugu dheeraaday arrimihii isbaarooyinka yaallay magaalada Muqdisho oo ka badnaa 60 isbaaro wuxuuna sheegay in dhamaan isbaarooyinkaas la qaaday.
DHAGAYSO WASIIRKA WARFAAFINTA BOOSTADA IYO ISGAARSIINTA
Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in dhammaan degmooyinka gobolka banaadir loo samaynayo ciidamo qalabaysan kuwaa oo sugi doona ammaanka degmooyinka gobolka Banaadir, wuxuuna intaa ku daray in ciddii ka geysata ammaan darro la hor keeni doono maxkamadda.
Waxyaabihii uu ka hadlay wasiirku waxaa kamid ahaa in laxaqiijiyo habsami u socodka waxyaabaha ka soo xaroodo dekadda muqdisho iyo habka loo maamulayo










