DHAGAYSO: Khaliif Axmed Ereg oo Ka Hadlay Qaabkii loo qaaday isbaarooyinkii yaallay Muqdisho
Number of View: 309
Taliyaha nabad sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa faahfaahin ka bixiyay isbaarooyinkii yaallay magaalada Muqdisho iyo sida loo qaaday wuxuuna sheegay in dhammaan degmooyinka magaalada Muqdisho haatan ay suganyihiin islamarkaana aanay jirin wax isbaaro ah oo yaalla.
Mr Ereg ayaa sheegay in haatan laqaaday isbaarooyinkii ka badnaa 60ka oo yaallay degmooyinka Magaalada Muqdisho islamrkaana ammaanka gacanta lagu qaban doono.
Khaliif Axmed ayaa intaa ku daray in degmooyinka magaalada muqdisho lagayn doono ciidamo suga ammaanka ismarkaana la dagaallama kooxaha dhiganaya isbaarooyinka walow ay ku jiraan qaar kamid ah guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir.










