DHAGAYSO: Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Xasan “Axmed Daaci” Oo Sheegay In Isbaarooyinkii ayaga u yaallay ay ka qaadeen Wadajir, Farriinna u Diray Dowladda Somalia
Number of View: 411
Kadib isbaarooyinkii yaallay magaalada Muqdisho oo shala si rasmi ah loo qaaday ayaa arrinkaas waxaa ka hadlay guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan “Axmed Daaci”.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in isbaarooyinkii ayaga u yaallay ay qaadeen marka laga reebo wixii dad kale u yaallay, wuxuuna farriin u diray ciidamada dowladda iyo madaxwaynaha asaagoo u sheegay in ay ammaanka wax ka qabtaan.
Axmed Daaci ayaa sheegay in waxyaabihii ay isbaarooyinka u dhigteen ay ahayd in ay sugaan Ammaanka Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.
HALKAAN KA DHAGAYSO HADALKA AXMED DAACI
Mr Daaci ayaa sheegay in muddo todobaad ah ay ciidamada bixin doonaan mushaarkooda gaar ahaanna kuwa degmada Wadajir wixii ka dambeeyana ay la waregi doonto dowladda Somalia haddii kalana uu ammaanku faraha ka bixi doono











waa libaxa afrika daci
anago ah shacabka dagmada waxan lenahay gudomiyahena hanolado aadbo noogu halgamay hadan nahay shacabka dagmada thanks wa guled muse