Dowlada KMG oo isku furaysa goboladda Koofureed ee dalka

Number of View: 353

C/Qaadir Maxamed Nuur Siidii Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya oo la hadlay Saxaafadda  ayaa sheegay in dhawaan ay isku xiri doonaan Gobalka Shabeelaha Hoose iyo sidoo kale Gobalka Baay.

Wuxuu sheegay in howsha ugu weyn ay hada qaban doonaan ay tahay inay isku xiraan wadada xiriirisa Afgooye iyo sidoo kale Magaalada Baydhabo,isaga oo intaa raaciyay in hada la diyaariyay ciidamadii wadadaasi ku dhaqaaqi lahaa sida uu hadalka ku sheegay.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya C/Qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa tilmaamay inaan warbaahinta laga shaacinayn waqtiga ay ciidankaasi dhaqaaqayaan,isaga oo taasi ku tilmaamay arrin Milateri.

C/Qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sidoo kale ka hadlay dhanka Bini,aadinimada Gobalka Shabeelaha Hoose waxaana uu sheegay in dhawaan Gobalka ay imaan doonaan Hay’addo gargaar sida uu sheegay caawin doono dadka Gobalkaasi.

Masuuliyiinta dowladda ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa dhowr jeer ku celceliyay in deeganada iyo degmooyinka kale ee Gobalkaasi ay ka saari doonaan Ururka Al-Shabaab inkastoo dhawaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Laanta Buuro halkaasi oo ay ku sugnaan jireen Ururka Al-Shabaab.


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...