Xoghayntii Madaxweynihii Hore Ee Ciraaq Oo Dil Toogasho Lagu Xukumay.

Number of View: 1459

Baghdad Sooyaal News Network

Maxkamada danbiyada sare ee Dalka Ciraaq ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Xoghayntii khaaska ahayd ee madaxweynihii hore ee dalkaasi ciraaq Saddaam Xuseen, Waxaana ninka xukunka lagu riday lagu magcaabaa Cabdil Xamiid Max’uud Al-takriiti kaasi oo mudo dheer soo hayay xilka xoghaynta khaaska Ah ee madaxweyne Saddaam Xuseen.

Xaydar Al-Saacidi Afhayeenka maxkamada xukunkan fulisay waxaa uu sheegay In Xukunkan lagu riday Cabdi Xamiid uu ahaa mid mudo dheer laga fekerey isla markaana baadhitaano dheer ay la soo martay wasaaradda caaddaalada ee dalkaasi ” Ma ahayan xukun lagu deg degay waxa uu ahaa mid si caqliga ku dhisan looga fekeray,waxaana Cabdi Xamiid si toos ah loogu helay danbiyo cul culus oo ka dhacay dalka ciraaq xiligii sadaam xuseyn isla markaana uu wax ka ogaa, dad la laayay iyo kuwo kale oo siyaabo kala duwan loo dilayba waxaanu cadaynay inuuwax ka ogaa” Sidaas waxaa yidhi Afhayeenka maxkamadda Xaydar Al-Saacidi.

Maxkamada danbiyada sare ee Dalka Ciraaq waxaa ay sidoo kale hore usoo xukuntay ku xigeenkii Ra’iisal wasiirihii hore e xukuumaddi Sadaam Daariq Caziizi,Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee xiligii sadaam Sacduun Shaakir waxayna maxkadu ku eedaysay inay gacan lixad leh ku lahaayeen fulintii xasuuqyo qorshaysnaa oo xukuumaddaii sadaam ay ka fulisay dalkaasi waa sida maxkamadu kuwarantaye.

Sooyaal News Network


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. C/nur says:

    Anigu waxan dhihi laha hadan fikirkeyga ka dhiibto, dilalkan ay ridayso xukumada ciraaq ma ahan mid caqli ku dhisane waa mid axmaqnimo. Sbbto ah ruxan waxasu ahan jiray in lagu dilo waxay ka hor imaneysa xuququl insanka caalamiga ah, waxana ka wngsn qofki ladilayo in lagu dilo muxu hada yahay? Wabilahi towfiq




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...