Ururka Raasgambooni Oo Shaaca ka qaday In Sargaal Shabaab ah uu isu soo dhiibay
Number of View: 205Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo Raaskaambooni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay sargaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Maxamed Maxamuud Sayid Carab oo ka mid ah sarakiisha Raaskaambooni ee ku sugan gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in sarkaalka oo magaciisa la yiraahdo uu Cabdi Kariin Maxamed Yuusuf uu kaga soo biiray dhanka Degmada Xagar sida uu hadalka u dhigay.
Sayid Carab wuxuu sheegay in markii uu isku soo dhiibayey sarkaalkan ka tirsan Al-Shabaab ay la socdeen labo ka mid ah Ciidamada ururka Al-Shabaab haddana ay soo dhaweeynayaan.
Dhanka kale Maxamed Maxamuud Sayid Carab waxa uu baaq u diray dhallinyarada ka barba dagaalanta Ururka Al-Shabaab kuwaas oo uu ugu baaqay inay isku soo dhiibaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni ee ku sugan gobollada Jubbooyinka.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Ururka Al-Shabaab oo xaqiijinaya ama beeninaya in Sarkaalka ka tirsan uu ka goostay dhankooda kuna biiray Raaskaambooni.
Sooyaal News Network











