Mareykanka oo kordhinaya duqeynta kadhanka ah Al-Qacida-da Soomaaliya
Number of View: 329Dowladda dalka Mareykanka oo dhawaan uun shaaca ka qaaday in ay lacag ku doon-dooneyso horjoogayaasha sar sare ee Al-shabaab, islamarkaana madaxooda dul dhigtay lacag dhan ilaa $33 milyan oo doolar, ayaa lagu waramayaa in ay hadda saldhig ay ka soo dulaan diyaaradaheeda wax ka basaasa ka sameystay gudaha dalka Kenya.
Saldhigyadan la sheegayo in laga hergaliyay gudaha dalka Kenya ayaa la mid noqonaya kuwo ay kol hore dowladda Mareykanka uga sameystay dalka Itoobiya, waxaana la leeyaahy ujeedadu waa in lagala socdo hadba dhaq dhaqaaqa kooxaha aragixisada oo ay ka mid tahay kooxda Al-shabaab.
Saldhigan ayaa la sheegay in loogu talagalay inuu xarun u noqdo diyaaradaha aan duliyaha lahayn ee ee loo yaqaano ‘surveillance drones’ kuwaasoo Mareykanka uu u adeegsado sirdoonka wadamada Pakistan, Afghanistan iyo Ciraaq. Soomaaliya, Uganda iyo Jabuuti
Waxaa ay wararku intaa ku darrayaan in diyaaradahan ay qaadi doonaan sawirro iyo xog ururin la xiriirta aqbaaraadka kooxaha argagixisada ee caalam-ka, oo Soomaaliyana ku jirto.
Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in kooxda Al-shabaab ee sida weyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya khatar ku tahay wadamada gobollka oo idil, sidaa daraadeed loo baahan yahay in laga hortago.











