Maamulkii Azani oo lakala diray iyo beelaha Jubooyinka oo maamul goboleed samaysanaya..”Filo Sawiro iyo Waraysiyo”
Number of View: 375
Wararka Goordhow naga soo gaaraya magaaladda Nairobi ee xarunta dalka kenya ayaa sheegaya in lasoo gaba gabeeyay kulan ay ka qeyb galeen dhinacyada beelaha dega Jubooyinka, Dowlada Soomaaliya, Kenya Itoobiya iyo masuuliyiin kale oo Afrikaan iyo cadaan ah.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay sidii maamul goboleed loo dhan yahay loogu samayn lahaa gobolada Jubooyinka ee Koofurta Soomaaiya.
Waxaa jiray in labo kamid ah beelaha dega Jubooyinka ay mudo shirka soo dhamaystiisa dib udhigeen kadib markii khilaafkooda laxalin waayay.
Wariyaha Sooyaalnews oo haatan kusugnaa hoolka shirka ayaa soo sheegaya in ugu danbayn lakala saxiixday heshiis dhigaya in maamul loo dhan yahay la sameeyo, iyo in laga wada qeyb qaato dagaalada kadhanka ah Shabaab.
Xildhibaan cabdi Calil oo kulankaas kahadlay waxaa uu sheegay in ugu danbayn laga heshiiyay xaaladda goboladda Jubooyinka.
Sidoo kale Masuuliyiin Kenyan ah iyo kuwa Itoobiyaan ah oo Gen Gabre uu ku jiray ayaa soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray xaaladda goboladda Jubooyinka.
Waxaa ay dhawaan beelahaas dhisi doonaan maamul goboleed Cusub oo aan ahayn maamul goboleedyadii horey usheegtay masuuliyadda gobolkaas.










