La Yaabka:Nin diyaarad Boing 727 ka dhigtey guri uu ku noolaado(SAWIRRO)

Number of View: 1296

London   Sooyaal News Network

Dad badan oo dunida ku dhaqan ayaa hoy la’a oo meel ay madaxa dhigaan waysan, kuwo Buush iyo cooshado ayay miciin bidaan, kuwa barxadaha iyo wadooyinka ayay busto dhigtaan, qaar ayaa miyiga degan oo cabaadka Geela iyo Lo’da inay maqlaan mooyee hurdaba ka soo dhicin oo xerada xoolaha kaabiga meel ku haysa xusulka muda, habeenkiina madaxa meel la raadsada, qaarbaa beeraha dhexdoodiyo mooska iyo geedaha kale kaneecada la jiifa, qaar kalena daaro dheedheer, dabaqyo iyo daruuraha dhexdooda ayay  habeenkii seexdaan.

Laakiin intaasi nin ayaanba aheyn oo isagu door biday in diyaarad weyn oo hadii duulimaad loo adeegsado boqolaal qof la duuli karta uu ka dhigto guri uu ku noolaado oo uu nolashiisa ku qaato.

Telefishinka CNN ee dalka Mareykanka laga leeyahay oo arinta ninkan baahiyey isla markaana warbixin kooban ka diyaariyey.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Bruce Campbell wuxuu ka soo jeedaa gobolka Oregon ee dalka Mareykanka, wuxuu ninkan mudo ku taamayey oo aheyd riyadiisa in uu mar uun dhexseexdo oo uu ka soo tooso diyaarad uu guri ka dhigto, iyadoo ugu dambeyntii riyadiisii ay u rumowday sanadkii 1999-kii, ka dib markii uu guri ka dhigtey diyaarad nooceedu yahay Boing 727-200, isagoo ka dhistey meel keyn ah oo ku taal gobolka Oregon

Koox wariyaal iyo sawir qaadayaal ka tirsan Tv-ga CNN oo booqdey guriga diyaarada ka sameysan, wuxuu ugu horeyn u sheegay saxafiyiintii gurigiisa booqdey in waxa ugu horeeya ee uu ku dadaalo ay tahay in uu ilaaliyo nadaafada gurigiisa

Bruce wuxuu mudo dhawr sano ah ku iibsadey diyaaradan lacag gaaraysa 100 kun oo doolar, iyadoo diyaaradan ay aheyd mid xamil gabtey oo aan adeeg duulimaad sameyn karin, waxaana uu dhex dhigay beer uu ku leeyahay deegaankaasi isagoo halkaasi ka dhigtey guri.

Baalayaasha diyaarada mid ka mid ah wuxuu u adeegsadaa jaranjaro guriga lagu soo fuulo, isagoo sheegay in sadexdii Suuli ee diyaaradu laheyd ay shaqeynayaan, isagoo sidoo kale ku rakibay mid kale oo uu u adeegsado qubeyska.

Inkastoo diyaarada ama guriga Bruce aanay ugu xirneyn adeeg Telefishin ama Radio hadana wuxuu halkaasi ku rakibtey qalabka dhageysiga ee loo yaqaan Mp3 isagoo halkaasi kaga shanqariya mustiga.

Qaybo ka mid ah kuraastii rakaabka guriga ayuu ka saarey halkaasi waxaana uu ka sameeyey Bruce qol jiif, sidoo kale wuxuu ka sameeyey qaybo fadhi.

Link-ga video hoose ka daawo diyaarada guriga laga dhigay ee ninkan uu ku taamayey.

Mowliid Xaaji Cabdi


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...