Guddoomiyihii Maxkamadda Hargaysa oo la Dhaawacay
Number of View: 140Maamulka magaalada Hargaysa ayaa shaaca ka qaday in saaka salaaddii subax dhaawac loo gaystay guddoomiyihii maxkamadda sare ee gobolka HargaysaC/rashiid Duraan.
Sida ay sheegayaan wararka kooxaha hubeysan ayaa guddoomiyaha ku dhaawacay xaafada New Hargeysa, xilli salaadii subax oo hoygiisa uga soo baxay si uu masaajidka ugu soo tukado, hase ahaatee ay kooxahan ay dhaawaceen.
Kooxaha dhaawaca ugaysatya guddoomiyaha aya la sheegay in ay ku hubaysnaayeen bastoolado, waxaana markiiba ay ka baxsadeen goobtii ay dhaawaca ugu geysteen guddoomiyaha maxkamadda ee gobolka Hargaysa.
Radio Hargaysa oo ah idaacad ku hadasha Afka maamulka Somaliland aya xaqiijisay dhaawac mas’uulkan, waxaana la sheegay in haatan lagu dabiibayo mid kamid ah isbitaallada Hargaysa.
Ilaa iyo iminka si dhab ah looma oga sababaha ka dambeeya dhaawaca loogeystay guddoomiyaha, waxaase ay waaxda nabad sugiddu sheegeen in wadaan baaritaanno ku aadan arrinkaas.
Sooyaal News Network











