Gaas” Somaliland Marna kama Go’ayso Somalia Goor dhaw ayaa ku soo biiraysaa Somalia inteeda kale.
Number of View: 249C/wali Max’ed Cali Gaas raysul-wasaaraha Somalia ayaa sheegay in uu dhawaan bilaaban doono wada hadalladii u dhexeeyay dawladda Somalia iyo maamulka Somaliland.
Mr.Gaas oo ka hadlayay barnaamij ka baxayay tv-ga iyo Radio-yaha qaranka ayaa sheegay in uu dhawaan billaaban doono wadahadallaadi aynoo afjareen khilaafaadkii u dhexeeyay maamulka Somaliland iyo Somalia.
Raysul wasaare Gaas ayaa intaa raaciyay in ay rajaynayaan in Somaliland kamid noqon doonto Somalia inteeda kale aysanna jirin wax kala go’ ah, waxuuna intaa ku daray in aan laga hor dhici karin waqtiga iyo goorta ay arrintaa dhacayso.
Dhawaan ayaa wada hadal u furmi lahaa labada dhinac uu baaqday kaa oo ay ka soo hor jeesteen Maamulka Somaliland habka ay wax u waddo dawladda Somalia oo ay sheegeen in aany ku qanacsanayn.
Qorshaha wada hadalka aya waxaa uu qayb ka ahaa shirkii February lagu soo gabagabeeyay Magaalada London ee xarunta dalka ingiriiska kaa oo la isku afgartay in labada dhinac ay wada haadal qaataan.
Sooyaal News Network











