Farmaajo Oo Ka Digay In Si Khaldan Wax Loo Maareeyo
Number of View: 437Raysul wasaarihii hore Somalia Max’ed C/laahi Farmaajo oo ku soo wajahan magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya ayaa shaca ka qaday in aan la faragalin sida ay hatan hawshu u socoto islamarkaana faraha looga qaado odayaal dhaqmeedka Soomaaliyeed.
Mr ayaa carrabka ku dhuftay inay muuqdaan tuhun ku aadan in madaxda dowladda ay ku lug leeyihiin arrimaha soo xulida ergooyinka cusub, taasoo uu xusay inay haboon tahay in laga fogaado, si howsha loogu madax banaaneeyo odayaasha.
Farmaajo ayaa intaa ku daray in ay jiraaan dad hoos socda odayaasha, kuwaa oo doonaya in ay soo xulaan dad aan matali karin dowrka odayaal dhaqameedka Soomaaliyeed.
Maalmihan ayaa qeyla dhaan iyo is qab qabsi ay ka jirtay habka soo xulidda ergooyinka ansixin lahaa dastuurka, iyadoo odayaasha qaar la isku heystay, kadib markii ay soo baxday inay jiraan odayaal aan aheyn dhaqankii saxda ahaa ee la yaqiinay.
Sooyaal News Network











