Dhacdo Qosol leh: Kumanaan haween ah oo loo qaybiyey Firimbi (Maxayse tahay sababtu)

Number of View: 1755

Comodoro   Sooyaal News Network

Magaalada Comodoro ee xarunta gobolka Chubut ee ku yaal Koonfurta wadanka Argentine ayaa maamula deegaankaasi wuxuu qaaday talaabo aan horey loo arag taasi oo ku aadan 10 kun oo haween ah oo ku dhaqan magaaladaasi oo loo qaybiyey firimbi.

Talaabadan ayaa lagu macneeyey inay tahay sidii looga hortagi lahaa gaboolfalada dhanka kufsiga ama xoog wax uga doonka haweenka oo magaaladaasi ka noqdey  tusbax afka laga furay, iyadoo firimbigan loo qaybiyey haweenka oo ah mid sanqar ama cod gooni ah leh sameynaya loogu tala galay in haweentu dhawaajiso hadii ay la kulanto fal kufsi ah, taasi oo laamaha Amaanka durbaba loo yeerayo.

Maamula dawlada hoose ee magaaladaasi oo gacan ka helaya hay’adaha aan dawliga aheyn ee deegankaasi ayaa qaaday talaabo lagu ururinayo lacago lagu sameeyo firimbiyadan, iyadoo tani lagu dhaqaaqay ka dib markii bishii hore oo kaliya magaaladaasi laga soo wariyey sadex xaaladood oo kufsi ah oo lagula kacay haween da’a yar.

Ana Llanos oo ah xoghayaha horumarinta bulshada ee magaalada Comodoro oo ah magaalo hodon ku ah soo saarista Saliida ayna ku dhaqan 200 kun oo qof ayaa sheegtey in talaabadan aanay ka helin wax taakulo ah dawlada dhexe, waxayna sheegtey inay rajeynaynayso inay ka hortagto falalka kufsiga iyo tacadiyada kale ee haweenka lagula kaco.

“Uma aynan ogolaan haweenka iyo wiilasha inay u adeegsadaan badbaadooda hub, laakiin inay adeegsadaan firimbi hadii ay dhacdo in la soo weeraro waxay ila tahay inay u muuqato halka ugu fiican” ayey tiri Ana.

Firimbigan ayaa loogu tala galay in haweenaydu inta bushimaha galiso ay ka qaylisiiso iyadoo ujeedadu tahay inay ku bixiso qaylo dhaan caawimaad doon ah hadii ay dhacdo in ay la kulanto fal ku saleysan kufsi ama xoog sheegasho galmo.

Wargeyska Clarin ee ku soo baxa luuqada Spanish-ka ee ka soo baxa wadanka Argentine oo sheekadan qoray ayaa sheegay in wasaarada cadaalada dalkaasi ay sheegtey in arintan aanay wax lug ah ku lehyn, sida uu sheegay wasiirka wasaaradaasi Touriñán Javier.

Maxamed-Qadar Isxaaq


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Ladan xasan says:

    Koley ani waxay ilatahay mid hawenka garab aad uweyn kusinayo badbadintooda




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...