Al-Shabaab oo Nin ay jaajuus ku sheegeen ku toogtay Buulo-Burde
Number of View: 405
Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta fagaare ku yaala Degmada Buulo Burte iskuna soo baxeen Dadweyne fara badan waxa ay ku toogteen Wiil dhalinyaro ah ay ku eedeeyeen Shabaab in uu Jaajuus ahaa.
Qaadiga Maxkamada Shabaab ee Degmada Buulo Burte Wiilkan dacwadiisana qaadayay ayaa ku xukumay Dil Toogasho ah kadib markii ay ku marqaati fureen sida uu sheegay Qaadiga Dagaalyahano katirsan AL-Shabaab oo ku sheegay Jaajuus.
Shabaab ayaana Maanta Dadweynaha ku nool Degmada Buulo Burte ku qasbay in ay isugu soo baxaan Fagaaraha Wiilkan dhalinyarada ah lagu tooganayay iyadoona halkaasi ka hadleen Masuuliyiin katirsan Al-Shabaab oo sheegay in Wiilkaasi uu ahaa Jaajuus katirsanaa PIA-ta Dowlada si ay ku eedeeyeen ciqaab tan lamid ahna ugu hanjabay cid kastoo la shaqeesa Dowlada iyo Ciidamada kale ee Wehliya.
Wiilkan oo lagu Magacaabo Maxamad Ciise Cabdi ayaa Shabaab ku qabteen Buundada Buulo Burte 24-kii May ee Sanadkan iyagoona ku sheegay in uu ahaa Nin Jaajuusnimo ku shaqeeya Xogta Mujahaidiintana cadowga u gudbiya.
Billo kahor ayey Shabaab sidaan oo kale Meel Fagaare ah waxa ay ugu toogteen Wiil Dhalinyaro ah oo isna lagu Magacaabi jiray Kadiye Xuseen Axmad ay Shabaab isna ku eedeeyeen in uu Jaajuus ahaa kana tirsanaa Askarta Dowlada KMG ee Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa inta badan lagu eedeeyaa qofkii ay fahmi waayaan ama ka shakiyaan in ay ku eedeeyana in uu Jaajuus yahay markaa kadibna ay Dil toogasho ah ku fuliyana ta aoo dad badan cabsi ka muujiyeen.











A.s.c waalalayal umu muslimka ah yana laka faafin daacayad ninkasi waa nin jaajuus ah xukunkisana wa dil xarakada mujahidinta alshabab idaacada sooyaal haga deeso daacayada ee ka fi dineyso mujahidinta