Warsaxaafadeed ay Si Wada jir u Soo Saareen Wasaaradda Warfaafinta iyo Ururka Qaranka oo ku Adan Maalinta Xornimada Saxaafada Adduunka

Number of View: 124

(Muqdisho, 3 May 2012) Waxaa Munaasabadan loogu dabaal dagayaa Maalinta Xornimada Saxaafada Aduunka, oo ku beegan maanta oo ah April 3, 2012. Anagoo kala ah, xubnaha saxaafada xorta ah, ee ka howl gala gudaha iyo dibada, oo ay ka mid yihiin Ururka Qaranka ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed, Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta, waxay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo aasaas u ah saxaafada xorta ah iyo amniga loo baahan yahay in ay saxaafadda ku shaqeyso.

Gudiga Wuxuu isku raacay:

In la aqoonsado ahmiyada ay saxaafada u leedahay bulshada, iyadoo la xaqiijinayo kor u qaadida furfurnaanta iyo taageerada saxaafada si horumar looga gaaro xuquuqda insaanka iyo hididiilooyinka shacabka.

In la qeexo in saxaafadu ay door muhiim ah ka ciyaari karto sidii loo xoojin lahaa nabadda oo kor loogu qaadi lahaa sharciga, gaar ahaan mudada kala-guurka iyo wixii ka danbeeya.

In hoosta laga xariiqo ahmiyada ay lee dahay amniga suxufiyiinta, iyadoo laga codsaday in dowladda ay xaqiijiso in amniga suxufiyiinta la damaanad qaado, gaar ahaan markii ay jirto Qatar la taaban karo oo ka imaaneysa kooxo gaar ah.

In la tixgaliyo daruufaha adag ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta, iyo qatarta la xiriirto soo tabinta runta. Sidaas darteed, waxaan aad u cambaareyneynaa dilalka loo geysto suxufiyiinta, gaar ahaan, kii ugu danbeeyay ee Farxaan Jeemis Cabdulle, oo wariye u ahaa Idaacada Daljir, kaas oo xalay lagu dilay Gaalkacyo. Waxaan ku baaqeynaa baarintaan dagdag ah in lagu sameeyo   arintaas oo la xaqiijiyo in cadaalad lasoo hor istaajiyo dabiilaha geystay ficilkaas.

In la ogaado baahida ah in la xoojiyo oo taageero lala garab istaago saxaafada xorta ah si loo hubiyo in laga hortago ilaha ay kasoo fulaan dilka iyo dhibaatada lagu hayo saxaafada.

In hoosta laga xariiqo baahida loo qabo in la difaaco danaha guud ee shacabka oo ah in nabad lagu noolaado, la difaaco xuquuqda saxaafada, oo ay ugu horeyso mushaar ku filan.

In la cadeeyo go’aan adag oo lagu wajahayo caqabadaha soo food saara saxaafada, iyadoo la kobcinayo xiriirka dowladda iyo kan saxaafada.

Waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka qodobo dhowr ah oo u baahan in si wadajir ah loola socdo iyadoo la xaqiijinayo dhameystirka qorshahaas.

  DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...