Taliyaha Cusub ee AMISOM oo Shabaab u Hanjabay
Number of View: 188
Muqdisho:- MuqdishoTaliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM Gen. Andrew Gutti ayaa markii ugu horaysay ka hadlay hawlgalka Ciidamada Midowga Africa ee ku wajahan gobolada dalka.
Gen. Andrew Gutti oo waraysi siiyey wargeyska The New Vision ee kasoo baxa dalka Uganda ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada AMISOM ay dhowaan Al shabaab kala wareegi doonaan maagalooyinka iyo degmooyinka ay kusugan yihiin.
Taliyaha AMISOM waxa uu guul ku tilmaamay Ciidamada Midowga Africa ee jooga magaalooyinka Beledweyne iyo Baydhabo, waxaana uu ku tilmaamay geesiyaal u bareeray in ay bilaabaan qaybta koowaad ee hawlgalka ee dhanka gobolada.
“Mardhow waxaan shabaab ka saari doonaa guud ahaan gobolada iyo magaalooyinka ay kusugan yihiin, waxaana xoog uga saari doonaa dhamaan goobaha ay maamulaan”,ayuu yiri Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM Gen. Andrew Gutti.
Mr. Gutti ayaa dhowaan la wareegay hoggaanka Ciidamada AMISOM, waana markii ugu horaysay oo uu ka hadlo hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Muqdisho










