Shabaab oo Weerar Qorshaysan ku Qaaday Qansax Dheere
Number of View: 244
Muqdisho:- Wararka naga soo gaaraaya degmada Qansax Dheere ee gobolka Bay ayaa soo sheegaaya in dagaallo u dhexeeya Ciidamada Dawladda KMG ah iyo Al shabaab ay ka dhaceen degmadaasi.
Dagaalka oo ay soo qaadeen Al shabaab ayaa ku bilowday madaafiic hoobiyeyaal ah oo lagu garaacay degmada kadibna waxaa xigay dagaal ka fool ka fool ah oo dhexmaray labada dhinac.
Dagaalka ayaa socday muddo kooban waxaana jira khasaare kala duwan oo dhinacyada dagaalamay iyo dadka deegaanka kasoo gaaray dagaalka Qansax Dheere.
Ciidamada Dawladda iyo kuwa Ethiopia oo difaac adag ka xirtay dagaalka ayaa waxay adeegsanaayeen hub kala duwan kaasi oo hurdada ka kiciyey dadka reer Qansax Dheere.
Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.
Afhayeenka dhanka hawlgalada Al shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab waxa uu sheegay in dagaalkaasi ay khasaare ku gaarsiiyeen Ciidamada Dawladda iyo kuwa Ethiopia sida uu hadalka u dhigay.
Saraakiisha Ciidamada Dawladda ee gobolka Bay weli kama hadlin dagaalka xalay shabaab ku qaadeen degmada Qansax Dheere.
Wararka madaxa banaan ee aan ka helayno degmada ayaa sheegaaya in ugu yaraan 6-ruux ay dagaalkii xalay ay ku geeriyoodeen kuwaasi oo isugu jira labda dhinac.
Xaaladda Qansax Dheere ayaa saaka deggan waxaase weli kasii muuqda raadadkii uu reebay dagaalkii xalay.
Xafiiska Wararka Muqdisho










