Shabaab oo Madaafiic ku Weeraray Madaxtooyada iyo Dilal ka Dhacay Muqdisho

Number of View: 159

Muqdisho:- Ugu yaraan 10-madfac oo la aaminsan yahay in ay shabaab soo tuureen ayaa habeenimadii xalay kusoo dhacday aga gaarka Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicda oo socotay qaddar kooban ayaa waxay ku dhaceen aga gaarka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Wararka qaar ayaa sheegaaya in qaar kamid ah madaafiicda ay ku dhaceen gudaha Madaxtooyada, hase yeeshee maaha kuwa si rasmi ah loo xaqiijiyey.

Lama oga cidda soo tuurtay madaafiicda xalay lagu garaacay Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo meesha laga soo tuuray.

Dhanka kale dilal kala duwan ayaa habeenimadii xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Ilaa afar ruux aya habeenimadii xalay lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho.

Iska hor imaad kooban ayaa habeenimadii xalay xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigley ku dhexmaray rag katirsan Al shabaab iyo Ciidamo Dawladda katirsan halkaasi waxaa ku geeriyooday hal nin katirsan shabaabka.

Sidoo kale kooxo hubaysan ayaa habeenimadii xalay degmada Kaaraan ku dilay labo qof oo mid kamid ah la sheegay in uu ahaa sarkaal katirsan Dawladda KMG ah, waxaana lagu magcaabi jiray Cali Yare Maxamed.

Ciidamada Dawladda ayaa saaka hawlgallo ballaaran ka sameeyey xaafadahii ay shalay ka dhaceen dilalka, waxaana jira dad ay falalkaasi usoo qab qabteen.

Qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa xilliyada habeenki ah waxaa ka dhaca falal amni darro oo dilal qorshaysan u badan.

Xafiiska Wararka Muqdisho


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...