Safaaraddii Soomaaliya ee Sambia oo la Xiray

Number of View: 220

Lusaka:- Booliska wadanka Zambia ayaa albaabada isugu dhuftay Safaarada Dowlada Soomaaliya ay ku leedahay Caasumada Zambia ee Lusaka.

Xiritaanka safaarada ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib is qabqabsi xoogan uu mudooyinkii la soo dhaafay uu ka taagnaa Maamulka sarre ee Safaarada, taasi oo ugu danbayntii keentay inay soo fara galiso Dowlada wadanka Zambia.

Murankan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii ay Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Arimaha dibada ay laba qunsul oo kala duwanu soo magacawday Safaarada, sidoo kale ay soo qortay warqad lagu amrayo in Safiirka Soomaaliya ee Zambia Ismaaciil Maxamed Aadam uu gabi ahaanba Safaarada ku wareejiyo Maxamed Axmed Cali (Geele) sidoo kale uu waqti kooban ku soo galo Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho, hase yeeshee markii uu qunsulka cusub waa Geellee intaas u sheegay safiirka ayaa waxaa meesha ka dhashay buuq iyo sawaxan wuxuuna safiirku sheegay inuusn aqoonsanayn waxa loo soo qoray sidoo kalana uusan u hogaansamayn, waxaana arinta soo galay Jaaliyada Soomaalida ee Lusaka taasi oo qunsulka ku qancisay in arinta ay iyagu xalinayaa sidaasna meesha uga soo kaxeeyeen.

Waxaa kaloo jirta in bishii September ee sanadkii 2011 Safiirka Soomaaliya ee Zambia Ismaaciil Maxamed Aadam uu Wasiirkii Arimaha Dibada Soomaaliya ee waqtigaas Maxamed Maxamuud Xaaji ibraahim uu ku wargaliyay in Shirwac Ibraahim uu doonayo in Safriiku aqbalo in laga dhigo Qunsulka Safaarada, safiirkuna waa aqbalay.

Dhaka kale Bilowgii bishii Janaury 2012 Dowlada Soomaaliya Gaar ahaan Wasaarada Arimaha Dibada ayaa qunsul u magacowday Maxamed Axmed (Geelle) wuxuuna Geelle isla bishaas soo gaaray Zambia.

Maalmo ka dib waxaa Lusaka soo gaaray Shirwac Ibaarahim oo isna wata aqoonsi ah inuu yahay Qunsulka Safaarada Soomaalida ee Lusaka wuxuuna u yimid safriika una sheegay in loo soo magacaabay safaarada, waxaana xusid mudan in Shirwac uusan wadan warqad lagu diidayo xil magacaabistii hore ee Geelle, waxaana Safiirku uu ku wareejiyay gabi ahaanba qalabkii iyo masuuliyadii safaaradaba qunsulka cusub ee Shirwac, Safiirkuna wuxuu u duulay Nairob, Maalmo ka dib waxaa safaarada yimid Geelle oo isna ku magacaaban qunsul wuxuuna u yimid Shirwac oo isna qunsul ku magacaaban wuxuuna u sheegay in inuu meesha ku wareejiyo hase yeeshee wuxuu Shirwac u sheegay in asaga meesha looga tagay safiirkiina maqan yahay wuxuu kaloo ku adkaystay inuu yahay ku simaha safiirka iyo qunsulka saxda ah ee meesha waxayna taasi keentay in meesha ay yimaadaan Booliska Zambia, waxaa kaloo xusid mudan in labada qunsulba ay wataa aqoonsiyo sax ah oo ka soo wada baxay Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada arimaha dibada, waxayna labaduba Booliska Zambia u sheegeen in Madaxweyne Shariif uu aqoonsan yahay.

Wargeysyada iyo Tv-yada wadankan Zambia ayaa si wayn manta uga faalooday Arinta is qab qabsiga Masuuliyiinta iyo waliba xiritaanka safaarada Soomaalida, waxayna Wargeysyada wadankan soo sawireen labada masuul ee muranku ka dhex jiro iyo waliba shaqaalaha safaarada oo boolisku gaari ku kaxeeyeen lana geeyay xarunta Booliska dhexe, waxay kaloo soo daabaceen in masuuliyiinta safaaradu ay is caayeen iyagoo ku caytamay luuqadooda hooyo ee Soomaaliga ah, sidoo kale waxa si qoo dheer uga faaloodeen Soomaaliya iyagoo sheegay in Dowlada Madaxweyne Shariif aysan ka talin dalka marka laga reebo qaybo ka mida caasumada Muqdisho, waxayna Soomaaliya ku tilmaameen wadan bur bur ku jiray 21 sanno ay la dageen Kooxo asal raac ah oo mayal adag  iyo waliba Kooxo Burcad badeed ah oo weerarta maraakiibta shisheeye.

Ugu danbayntii 04- bishan oo shalay ah ayaa Wasaarada Arimaha Dibada Zambia ayaa amarta in la joojiyo shaqadii safaarada inta ay la xiriirayaan Dowlada Soomaaliya, waxayna sheegtay Dowladu inay arintan u sameeyeen ka dib markii ay ka baqeen inuu yimaado isku dhac intan ka badan.

Dhibka ugu badan ee meesha ka jira ayaa waxaa loo aanaynayaa Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya, oo iyadu labada Masuulba u qortay Aqoonsiyo sharci ah taasi oo ah meesha dhibta ugu badan ka taagan tahay, waxaa kaloo xusid mudan in Masuuliyiinta Wasaarada Arimaha dibada ee Soomaaliya gaar ahaa Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guudba ay labada Masuulba la kala safan yihiin.

Ilaa iyo hadda wax wara kama soo bixin Dowlada Soomaaliya gaar ahaa Wasaaradeeda Arimaha Dibada oo iyadu u xil saran inay wax ka qabato arintan, hase yeeshee waxaa la ii sheegay in qorshuhu ahaa in wafdi ka socda Dowlada Soomaaliya ay balan qaadeen inay imaan doonaan waxna ka qaban doonaan arintan hase yeeshee ilaa hadda aysan muuqan balan qaadka masuuliyiintan.

Dhismaha safaarada oo ah mid aad u wayn kuna fadhiya dhul baaxad leh kana kooban xafiisyada safaarada iyo guryaha ay dagi lahaayeen shaqaalaha safaarada ayaa waxaa gaday Dowladii hore ee Kacaanka Soomaaliya wuxuuna ku yaalaa meel muhiim ah oo aan ka fogay Aqalka looga arimiyo wadankan Zambia ee Madaxtooyada ama (State House-ka), sidoo kale Safaraada Soomaaliya ee Zambia ayaa waxay ka mid tahay Xarun aad muhiim ugu ah Soomaalida ku nool wadamada Koonfurta Afrika oo ay ka mid yihiin Zambia, Zimbabwe, Mozambique,  Namibia, Congo iyo Angola oo ay dhamaan dadka ku nool wadamaad ay ku xiran yihiin Safaraada Zambia iyagoo ka hela adeegyo ay ka mid yihiin samaynta Passpor-ka Soomaaliga iyo qaadashada warqada dalk ku celinta ee (GO HOME)

Oday ka mida Soomaalida dagan Lusaka in badana ku noolaa oo aan la sheekaystay wuxuu ii sheegay in hadii arintan aan wax laga qaban ayna soo fara galin Dowlada Soomaaliya ay keeni doonto in gabi ahaanba ay meesha ka baxdo Safaarada Soomaalida una gacan gasha Dulaaliin shisheeye, taasii oo isku dayo hore la damcay in lagu iibsado hase yeeshee ay suura gali wayday ka dib markii ay ilaalinteeda uu door wayn ku qaatay Safiirkii hore ee Geeryooday kaasi oo 21-sanno ee la soo dhaafay ilaalinayay iyo waliba Jaaliyada Soomaalida dagan Zambia.

Siciid Muuse Daahir

Lusaka, Zambia

E-mail. Smgaban2000@gmail.com


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...