Qarax ka Dhacay Koonfurta Gaalkacyo
Number of View: 265
Gaalkacyo:- Wararka aan ka helayno magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa soo sheegaaya in qarax miino geystay khasaare dhaawac uu maanta ka dhacay meel u dhow guriga uu deggan yahay Madaxweynaha Galmudug.
Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay waxa uu dhaawac kasoo gaaray saddex ruux oo haween ah.
Qaraxa ayaa ka dhacay meel wax ka yar 10-talaabo u jirta guriga uu Gaalkacyo ka deggan yahay Madaxweynaha Galmudug Maxamed Caalin.
Ilaalada guriga Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa qaraxa kadib waxay hawlgallo ka sameeyeen goobta uu ka dhacay oo waddo ahayd.
Mid kamid ah dadka dhaawacmay ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus waxaana la sheegay in xaalkeedu adag yahay.
Ilaa iyo hadda lama oga cidda qaraxa dhigtay iyo cidda loo dhigay, waxaase la aaminsan yahay in lala damacsanaa ilaadada Madaxweynaha Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa iminka ka maqan magaalada Gaalkacyo, waxaana uu kusugan yahay magaalada Muqdisho.
Magaalada Gaalkacyo muddooyinkan waxaa kusoo badanaayey falal amni darro oo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorshaysan.
Xafiiska Wararka Muqdisho











Waxaa loo baahan yahay in ragga reer Gaalkacyo labada dhinacba ay iska kaashadaan sidii loo sugi lahaa amniga guud.
Aad ayaan uga xumahay dhibka gaaray dadka rayidka ah ee la qarxiyey gaar ahaana haween