Qarax Gaari oo Galabta ka Dhacay Muqdisho

Number of View: 417

Muqdisho:- Galabta abaarro 4-tii galabnimo ayaa qarax geystay dhimashada hal ruux waxa uu ka dhacay waddada isku xirta Igoyska KM4 iyo garoonka diyaaraha Muqdisho ee Aadan Cadde.

Qaraxa oo ilaa iyo hadda aanay kasoo bixin warar rasmi ah ayaa waxa uu ka dhashay gaari waddada maraayey oo mar qura qarxay.

Wararka qaar ayaa soo sheegaaya in qaraxa gaariga lagu soo xiray lana rabay in lagu qarxiyo xarumaha Dawladda KMG ah ee gudaha magaalada Muqdisho.

Warar kale ayaa sheegaaya in qaraxu lagu soo xiray gaariga oo uu watay nin ganacsade ah oo lagu magcaabo Maxamuud Carafaat iyadoo uusan ogeyn ninkaasi.

Saraakisha amniga Dawladda KMG ah weli si rasmi ah ugama hadlin qaraxa galabta ka dhacay waddada garoonka Aadan Cadde.

Ciidamada Dawladda ayaa markii dambe xiray waddada, waxaana ilaa iyo iminka ka socda baaritaan lagu ogaanaayo qaabka qaraxu u dhacay.

Dadka qaar ayaa aaminsan in ninka ganacsadaha ay rag shabaab katirsan gaariga ugu xireen qaraxa uuna sidaasi ugu qarxay, dad kale ayaa aaminsan in ninka gaariga uu waday uu shabaab katirsan yahay.

Hase yeeshee ilaa iyo iminka warar rasmi ah kama soo bixin qaraxaasi galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. mss. says:

    alaha u naxariisto carafaad axmed waxuu ahaa muwaadin ganacsde somaliueed ah waxana dishay gacan ka xaq daran mana uusan ka tirsaneyn alshabab iyo koox kale midna alaha u naxariisto marxuumkaas mida kale waxan ka codsaneynaa warbaahinta in ay iska hubiyaan wararka ya qorayan ama magacyada dadka ay wax ka qorayaan mahadsaniddin




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...