Podolski, meel walba oo aan ka ciyaaro go’aanka waxaa iska leh macalinka kooxda (sawirro)

Number of View: 1389

Sooyaal-News, Nairobi.

Xiddigga reer German ee Podolski oo dhawaan kooxda Arsenal ay kula soo wareegtay qiimo gaaraya £11million ayaa haatan kooxda si rasmi ah ugu soo biiray asagoona ka qayb qaatay fanaanadda cusub oo ay kooxdu ku ciyaarayso xilli ciyaareedka dambe.

26-jirkan ayaa dhaliyay 18 goals 29 kulan oo uu u saftay kooxdiisii hore ee FC Cologne ee horyaalka dalka Germany .HI POD ... Lukas Podolski models Arsenal's new shirt for the first time

Lukas Podolski
 Waxaase xilligan soo baxaya warar sheegaya in ciyaaryahan Van Persie ay quudarraynayso kooxda ku guulaysatay horyaalka England ee  Manchester City waase ay kawar sugaysaa wada hadallada ay haatan Arsenal u soo bandhigtay ciyaaryahanka wixii uu ka yeeli lahaa.
Lukas Podolski

Sikasta oo ay tahay  xiddiggii hore ee kooxda Bayern Munich ayaa soo qaatay fanaanadda cusub ee kooxda Arsenal ay ku safanayso xilli ciyaareedka dambe balse waxaa dhinaca kala horreynta wali hogaaminaya RVP oo aan wali kala caddayn sii joogitaankiisa Emirates xilli ciyaareedka soo socda.
Lukas Podolski

Laakiin Podolski ayaa tilmaamay inuu ka ciyaari doono  meel walba oo uu tababare Arsene Wenger ka geeyo afka hore si uu ugu dhaliyo goolal ka farxiya naadiga.

Waxaa hadaladiisii kamid ahaa, “Waxaan lasoo qaatay waqti ciyaareed aad u fiican naadiga Cologne, waxaan u ciyaaray si wanaagsan sida muuqatana iminka waxaan ka ciyaari doonaa ciyaaraha EURO 2012 taasoo aan kusoo ceshan doono kalsoonidaydii”.

Wuxuu kaloo yiri, “Markuu dhamaado xili ciyaareedka Euro 2012 waxaan ku biiri doonaa naadigayga cusub ee Arsenal waana inaan u dhaliyaa goolal fiican si aan naadiga ugu horseedo guulo”.

Markii aan joogay Cologne, waxaan ka ciyaari jiray afka hore iyo sidoo kale kubbad-qaabeeye, markii aan qaranka u ciyaarayana waxaan ka ciyaaraa dhinaca bidix. Runtii waxba kama qabo meel walba oo aan ka ciyaaro, laakiin go’aanka waxaa iska leh tababaraha oo go’aansan doona hadlakaan ka ciyaari doono,

Lukas Podolski SooyaalNews Network, Nairobi.


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...