Muqdisho oo Maanta ka Bedelan Sidii hore iyo Shirkii Odayaasha Dhaqanka oo Furmaaya
Number of View: 697
Muqdisho:- Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka jirta xaalad ka duwan tii horay loogu yaqaanay waxaana waddooyinka magaalada lasoo dhoobay Ciidamo kala duwan kuwaasi oo sugaaya amniga xilli uu furmaayo shirka Odayaasha dhaqanka.
Xarunta gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis maanta waxaa ka furmaaya shirkii ay Odayaasha dhaqanku kusoo xuli lahaayeen Ergada ka qayb gelaysa shirweynaha lagu soo xulaayo Xildhibaanada Baarlamaanka ee cusub ee dalka.
Waxaa siweyn loo adkeeyey amniga xarunta gaadiidka oo shirku ka furmaayo, waxaana iminka kusoo qul qulaaya ergadii soo xuli lahayd Xildhibaanada Baarlamaanka ee cusub.
Shirkaan ayaa waxaa ka qayb gelaaya 135- Oday dhaqameed waxaana uu soconaaya inta ka horaysa 15-ka bishaan markaasi oo si rasmi ah loo ansixin doono dastuurka cusub ee dalku yeelanaayo.
Wasiiru Dowlaha Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Xasan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in maanta si rasmi ah shirkaasi u furmaayo
Marka laga soo tago soo xulista xubnaha Baarlamaanka cusub ayaa sidoo kale odayaasha dhaqanku waxay akhriyi doonaan kana doodi doonaan dhamaan qodobada dastuurka cusub, waxaana lagu wadaa in kuwa muranka dhaliyey wax laga bedelo.
Waxaa siweyn loo adkeeyey amniga waxaana guud ahaanba la xadiday dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo dadka ee degmada C/casiis.
Ciidamo Dawladda katirsan oo isugu Nabadsugid, Boolis Meleteri, Ciidamada kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Alfa Group iyo qaybaha kala duwan ee Ciidamada sirdoonka ayaa lagu soo daadiyey inta badan ee degmada C/casiis.
Al shabaab ayaa horay ugu hanjabay in ay layn doonaan ergada ansixinaysa dastuurka cusub, hase yeeshee saraakiisha amniga ayaa sheegay in uu sugan yahay amniga goobta shirku ka dhacaayo.
Waxaa jira dad badan oo kasoo horjeeda dastuurka waxaana laga cabsi qabaa in ay sameeyaan rabshada nabadgelyada wax u dhima waana sababta loo adkeeyey amniga guud ee caasimadda Muqdisho.
Xafiiska Wararka Muqdisho











maanshaa allah waaye