Munaasabad lagu Dhaarinayay Wasiirka beeraha oo ka Dhacday Xafiiska Shariif Xassan

Number of View: 165

Muqdisho, May, 14, 2012———– Munaasab maanta lagu dhaarrinayay wasiirka cusub ee Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya  isla markaana ay ka soo qeyb galleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoona ay munaasabada dhaarta ah lagu qabtay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiwali Max’ed Cali Gaas, Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda, iyo Qaar ka tirsan xildhibaanadda.

Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Xasan Gaboobe ayaa dhaariyay Wasiirka Cusub ee Beeraraha iyo Xanaanada Xoolaha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xasan.

Dhaaryta kadib ayaa waxaa halkaasi hadal bagoodin ah ka jeediyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu hambalyeeyay wasiirka Beeraha iyo Xanaanada ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  xilka loo magacaabay islamarkaana u gudan doono shaqadiisa si cadaalad ah.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Xuseen Maxamed Sheekh Xasan uu yahay shaqsi khibrad leh islamarkaana laga rajeynayo inuu guto waajibaadka loo idmey oo ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan.

—–Dhamaad—-

Xafiiska Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...