Kulan Lagu Taageeraayey Waxqabadka Wasaaradda Gaashaandhigga oo Muqdisho ka Dhacay
Number of View: 171
Muqdisho:- Kulan lagu Taageerayay isbedellada ay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ka sameysay xagga amniga dalka oo ay ka qeyb galleen saraakiil sarre oo ka tirsan Ciidamada Xogga dalka iyo qeybaha Bulshada ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ee Qurbajoogta ah ayaa waxa lagu taageerayay Horumarrada isdaba joogga ah oo ay wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo ciidammada Qalabka Sida ka gaareen dagaalladii ay Muqdisho iyo gobollada dalka uga saarreen kooxda Al-Shabaab ee diiddan jiritaanka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
Kulanka oo lagu qabtay Hotel-ka Naasahablood Laba ee magaalada Muqdisho ayaa waxa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka S/Guuto C/qaadir Sheikh Cali Diini, Saraakiil ka tirsan Military-ga Soomaaliya, qeybaha haweenka, Aqoonyahanno, waxgarad, Culumaa’udiin iyo marti sharaf kale.
Masuuliyiintii ka hadashay kulanka ayaa si weyn ugu ammaanay Ra’iisul wasaare ku xiggeenka ahna wasiirka Difaaca Soomaaliya Xuseen Carab Ciise iyo Taliyaha Ciidammada Xoogga dalka dadaalka iyo juhdiga ay ku bixiyeen Ciidammada u taagan mar walba Difaaca dalka, Diinta iyo Dadka, waxa ay ku dhiira gelliyeen madaxdaasi in ay sii Labo jibaarraan howlgallada ay ciidammada dalka oo dhan uga sifeynayaan Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda.
Taliyaha ciidammada Xoogga dalka S/Guuto C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa khudbad ka jeeddiyay intii uu socday kulanka waxa uuna uga mahad celiyay guud ahaan shacbiga gaar ahaan Dumarka Soomaaliyeed tageerrada hagar laa’aanta ah oo ay ciidammada Qalabka la garab taagan yihiin, waxa uuna ka codsaday in ay sii dardar geliyaan dadaallada ay kula shaqeeynayaan Ciidammada si loo soo qab qabto dambiillayaasha ku dhuumaaleysanaya xaafaddaha ay dadka shacabka ah degan yihiin.
Qoraalkaan waxa u naga soo gaaray xafiiska warfaafinta ee wasaaradda difaaca Soomaaliya










