Kooxo Hubaysan oo 2-Qof ku Dilay Bossaso
Number of View: 188
Bossaso:- Wararka naga soo gaaraaya magaalada Bossaso ayaa sheegaaya in kooxo hubaysan ay galabta dilal ka geystay magaaladaasi.
Kooxahaan oo ku hubaysnaa Bastoolado ayaa waxay galabta xaafadda New Bossaso ee magaaladaasi ku dileen labo nin oo a sheegay in ay isku adeer ahaayeen.
Ragga dilka geystay ayaa markii hore xabado ku furay mid kamid ah labada nin ee ay dileen kadibna ninka kale oo ahaa nin Oday ah ayaa isku duubay mid kamid ah raggii wax dilaayey isagiina sidaasi ayaa lagu dilay.
Kooxaha dilka geystay oo a rumaysan yahay in ay katirsan yihiin shabaabka Galgala ayaa isla markiiba ka baxsaday goobtii ay dilka ka geysteen.
Ciidamada amniga ee magaalada Bossaso ayaa wax yar kadib soo gaaray meesha dilku ka dhacay waxayna ka sameeyeen hawlgallo baaritaan ah.
Labada nin ee galabta dilka loogu geystay magaalada Bossaso ayaa kasoo jeeda deegaanka Galgala oo ay shabaabku ka samaysteenm fariisimo qarsoon.
Hadda ka hor ayaa magaalada Bossaso ayaa dilal kala duwan iyo qaraxyo waxaa loogu geystay dad kasoo jeeda deegaanka Galgala ee buuraleyda Golis
Xafiiska Wararka Muqdisho










