Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Xafladda Shirweynaha Oday Dhaqameedka Soomaaliyeed

Number of View: 186

Muqdisho 5ta May 2012, Mudane Sheikh Sharif Sheikh Ahmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Xubnaha Golaha Wasiirada, Xildhibaanada sharafta leh, Oday-Dhaqameedka Soomaaliyeed, Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka Sida, Kooxaha fanaaniinta soomaaliyeed, Kooxda Muusikada Baanbeyda, Bahda Saxaafadda iyo Dhammaan marti sharafta ka soo qeybgashay xafladan Dhammaantiin A Salaamu Aleykum Warahmatullah,

Maanta waa maalin taariikhi ah oo aan rabno inaan isbedel cusub oo rasmi ah uu dalka ka dhaco. Waa markii ugu horreysey taariikhda oo aan Oday-Dhaqameedkii Soomaaliyeed ee soo jireeenka ahaa ay isagu yimaadaan dalka gudihiisa iyagoo ka wakiil ah bulshada. Oday Dhaqameedka Soomaaliyeed waa kuwa kaliya ee leh sharciyadda shacabka.

Oday Dhaqameedka Soomaaliyeed waxaa saaran mas’uuliyad weyn oo la doonayo inay soo xulaan Ergadii Soomaaliyeed ee Ansaxinta Dastuurka iyo soo xulidda Xildhibaanada cusub. Odayaashu waxey maanta joogaan dalkoodii hooyo gaar ahaan caasimadii dalka oo looga fadhiyo inay si soomaalinimo ah oo daacad ah ay u soo xulaan dadkii u qalmay ee waddanka ka saari lahaa marxaladda adag ee uu marayo.

Waxaan hadda joognaa marxalad aad iyo aad u fiican oo aan dalka gudihiisa ku qabsan karno shirarka lagu go’aaminayo masiirka dalka. Dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaa saaran mas’uuliyad gaar ah ee la doonayo in Oday Dhaqameedka Soomaaliyeed taageero iyo garab buuxa lagu siiyo howlaha muhiimka ah ee ay maalmaha soo socda fulinayaan.

September 6deedii bey aheyd markii madaxda Soomaaliyeed ay wada saxiixeen Heshiiskii Roadmap ka. Waxeyna aheyd markii ugu horreysey ay Soomaali dalka gudihiisa isagu timaado oo muddo kooban ay go’aanno dhaxal gal ah isla gaaraan. Tani waxey aheyd bilowgii wadajirka iyo midnimada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxey aheyd arrin Soomaali isagu timid, Soomaali wax isku raacday oo hoggaan Soomaalinimo la helay.

Waxaa farxad weyn ah inaan maanta Muqdisho isagu nimid si aan u soo afjarno xilliga kala guurka ah oo bisha August aan yeelano dastuur iyo baarlamaan tayo leh si ay u soo doortaan Madaxdii Qaranka. Waxaan rabnaa Dowlad Rasmi ah oo Soomaaliyeed inay halkaas ka dhalato.

Muddo 21 sano ah Soomaaliya ma yeelan dowlad taam ah. 12kii sano ee ugu danbeeyey waxaan ku jirnay KMG oo noo diiday inaan aayahayaga si dhameystiran uga tashano oo aan heshiisyo toos ah (bi-lateral) ula galno dalalka aan saaxiibada nahay. Si haddaba loo helo Dowlad Rasmi ah oo ay shacabku xaq u leeyihiin waxaa muhiim ah inaan yeelano dastuur oo bedela Axdiga Qaranka. 8 sano ka hor ayaa lagu heshiiyey in Axdiga uu sii jiro 2sano iyo bar oo la soo dhameystiro dastuur. Baarlamaanku waxuu si joogta ah ula xisaabtamayey Xukuumadihii hore oo uu dalbanayey in la soo dhameystiro dastuurka Sidaas ayuu baarlamaanku marwalba u siinayey muhiimadda in laga baxo KMG oo la helo dowlad rasmi ah. Waxaa nasiib wanaag ah in aan maanta mareyno marxalad ay noo muuqato rajadii iyo ka dhabeyntii soo afjaridda xilliga KMG ah.

Xukuumaddu waxey mudnaanta siisay sidii lagu heli lahaa dariiqad ama hab loo dhameystiro howlaha muhiimka ah ee na wada sugayey, taas oo keentay in 6dii September aan wada saxiixano Heshiiskii Roadmap-ka oo noo sahlay inaan ku taagnaano dariiqada saxda ah innagoo isla xisaabtan, wadajir iyo midnimo la imaanay oo noo suurtogelisay inaan maanta halkan isagu nimaadno si aan u ansaxino dastuurka oo aan u soo xulano baarlamaan cusub.

8-dii bilood ee u danbeysey waxaan ku guuleysanay arrimaha amniga, xiriirka maamulada iyo dowladda dhexe, dhameystirka Qabyo Qoraalka iyo maamul wanaaga oo ahaa qodobadii lagu heshiiyey Roadmap-ka. Waxaan mudnaan gaar ah siinay arrimaha soo dhameystirka Qabyo-Qoraalka oo aan Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka aan ku kaabnay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo khibrad dheer u leh arrimaha dastuurka iyo shareecada islaamka oo 8dii bilood u danbeeyey si wada jir ah uga wada shaqeynayey soo dhameystirka arrimaha Dastuurka. Waxaan ku faraxsanahay in labadan guddi ay na soo gaarsiiyey nuqulkii qabyo-qoraalka dastuurka 20kii April 2012 oo ahaa waqtigii loo qabtay inay ku soo dhameystiraan.

Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed oo maanta diyaar u ah isbedel dhab ah in la sameeyo oo la helo dowlad Rasmi ah oo aayaheena matasha.

Qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada Nabigeena Muxamed (NNK). Soomaaliya waa dal Islaam ah diinta Dowladdana waa Islaamka. Diin aan aheyn Diinta Islaamka laguma faafin karo dalka. Qabyo qoraalka dastuurka weli waxaa fursado lagu sameyn karo waxii isbedel ah ee loo arko. Waxaa kale oo xusid mudan in Ergeda Ansixinta Dastuurka ay si KMG ah u ansaxin doonaan dastuurka si dowladda Rasmiga ah ay u sii isticmaasho inta dowladdaas ay la tashiyo ballaaran la sameyn doonto shacabka isla markaana dastuurka uu ku ansixi karo oo kaliya marka Afti dadweyne la qaado oo shaqsi walba uu fursad u heli doono uu ku coddeeyo.

23-dii May 1960kii 110 Ergo Soomaaliyeed ayaa ka dooday qabyo-qoraalkii dastuurka isla markaana si KMG ah u ansaxiyey bishii June 1960. Ugu danbeyntiina afti loo qaaday 1961kii.  Maantana waxaan u xuli doonaa Ergo Soomaaliyeed oo ka kooban 825 si ay u ansixiyaan dastuurka.

Oday Dhaqameedka Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in maalmaha soo socda ay la tashiyo baahsan la sameeyaan beelahooda oo ay gaaraan dhammaan shacabka Soomaaliyeed si ay u soo xulaan shaqsiyaad buuxin kara dhammaan shuruudaha laga rabo sida inuu yahay shaqsi sumcad ku dhex leh bulshada oo aan horey dambi uga gelin shacabka, isla markaana uu yahay shaqsi matali kara Qaranka oo danta guud ka horimarin kara tan gaarka ah. Waa mas’uuliyad culus oo shacabku ay isha idinku wada hayaan. Kalsoonida shacabkana waxaan ku heli karnaa marka aad soo xushaan shaqsiyaad Qaranka matali kara.

Maanta waxaan heysanaa fursad qaali ah oo dahabi ah oo aan inta noo dhiman ku dhameystiri karno si Soomaalinimo, waddaninimo iyo midnimo.

Muddadii 10ka bilood ee aan soo dhaafnay waxaan ku guuleysanay inaan Muqdisho, Beledweyn, Baydhabo, Hudur, Gedo, iyo qeybo ka mid ah Jubbooyinka iyo goboladda dhexe aan ka saarno Al-Shabaab iyo Al-Qaeda. Dadaaladan waa kuwa ay noo keeneen geesiyaasha ciidamada Soomaalida iyo kuwa aan wallaalaha nahay ee Afrikaanka ah. Waxaan halkan rabaa inaan u mahadceliyo geesiyaasha ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed oo difaac adag iyo heegan joogta ah kujira oo maanta dagaal kula jira kooxaha nabad diidka ah ee hortaagan shacabka soomaaliyeed inay aayahooda ka tashadaan. Dowladda waxaa ka go’an in guulahaas la taaban karo la sii wado oo shacabka ay helaan amni waara oo ay nolol maalmeedkooda ku raadsadaan. Waa in dhammaan shacabka soomaaliyeed ay nagala qeybqaataan halgankan aan ku soo ceshaneyno sharaftii, karaamadii iyo qaranimadii dalka.

Ugu danbeyntii waxaan kula dar-daarmayaa Oday Dhaqameedka Soomaaliyeed inay la yimaadaan adkeysi, dulqaad, iyo samir oo ay maskaxda ku hayaan in shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ay indhaha ku hayaan sida ay u soo xulaan shaqsiyaad u qalma inay ka mid noqdaan Ergeda Ansaxinta Dastuurka iyo Baarlamaanka cusub oo karti iyo hufnaan u leh inay dalka marxaladdan ka saaraan oo ay ummadda ugu horseedaan nabad, barwaaqo iyo horumar. Waxaan beesha caalamka ka codsaneynaa inay taageeradooda joogtada ah waqtigan xasaasiga ah sii kordhiyaan si aan u dhameystirno inta yar ee noo wada hartay.

Waxaan aad ugu mahadcelinayaa qabanqaabiyeyaashii xafladdan quruxda badan ee aan ku dhigeyno caasimadii Muqdisho iyo dhammaan ka soo qeybgalayaasha oo ay ugu horreeyaan Oday Dhaqameedka Soomaaliyeed.

Wassalaamu Calaykum Waraxmatullaah Wabarakaatuh.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 
Tel: +252699998854

Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...