Jabuuti oo Ciidamadii ugu Horeeyey Geysay Hiiraan
Number of View: 224
Beledweyne:- Deegaanka Kalabayr ee gobolka Hiiraan Ciidamadii ugu horeeyey ee ka socda Dawladda Jabuuti ayaa gaaray qaybo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Ciidamadaan oo tira ahaan gaaraaya ilaa 300-askari ayaa wararku soo sheegaayaan in ay kasoo galeen dhanka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia waxaana la socda saraakiil Faransiis ah.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xassan Afrax ayaa sheegay in Ciidamadaan ay xalay ku hoydeen deegaanka Kalabayr iyadoo maanta lagu wado in ay xeryo Ciidan ka samaystaan magaalada Beledweyne.
Dawladda Jabuuti ayaa dhowaan Ciidamo kamid ah kuwa AMISOM waxay gaareen magaalada Muqdisho.
Hawlgalka AMISOM oo lagu faafiyey gobolada dalka ayaa Ciidamada Jabuuti la qorsheeyey in la geeyo gobolka Hiiraan gaar ahaana xarunta gobolkaasi ee Beledweyne.
Dawladda Jabuuti ayaa ayaa noqotay dalkii saddexaad oo Ciidamo katirsan AMISOM keenta Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Muqdisho










